+252 90 7798232 [email protected]

Garoowe:-Kulan ay iskugu yimaadeen Haweenka Dacwada ee Goblka Nugaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Gabdhaha xijaabka loogu bedalay Surweelka iyo sidoo kale Dilalka qorashaysan ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Dumarka ka shaqeeya Horumarinta Dacwada ee Gobolka Nugaal ayaa galabtay ku qabtay shir saxaafadeed Masjidka Al-raxma ee Magalada Garoowe waxayna ay sheegeen in ay ka xun yihiin In gabdho Muslimiin ah intii Xijaabkii laga dhigay loogu badalay Saraawiil taas oo ay ku tilmaameen wax laga Xumaado .

Dhanka kale waxay wax laga Xumaado ku tilmaameen In la banaysto dhiiga Muslimiinta waxayna cabaareeyeen Dilalka ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari.15723303_1160177887437209_203678974643691599_o15675635_1160177844103880_4607253778107667151_o

Hoos ka Dhagayso Bayaankii haweenka Dacwada Gobolka Nugaal