+252 90 7798232 [email protected]

sh bashir

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan cambaareyn ah ka soo saartay  sawirrada lagu aflagaadeeyey Nabi Muxamed NNKH .

Bayaanka hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in kuwa caadeystay wax ka sheegga muqaddasaadka diinta Islaamka ay ku riixeyso cadaawadda gaamurtay ee ay u qabaan diinta iyo nabigeeda, waxaana ka mid ah sababaha soo noqnoqnaya ee loo aflagaadeynayo Nabi Muxamed NNKH :-

1- Cadaawadda ay u hayaan Islaamka iyo Nabigiisa.

2-Fashilka dhaqankooda iyo akhlaaqdooda, taasoo ay doonayaan inay ku qariyaan cayda Nabigeena NNKH.

3- In Muslimiinta ku faafeysa qaaradda yurub la hor istaago.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday dadka wax garanaya ee reer galbeedka inay xakameeyaan dhaqan xumadaan ay ku kacayaan qaar ka mid ah warbaahintooda.

Hay’adda culimada ayaa ku baaraarujineysa muslimiinta:-

A- In cayda ayan dhaawici karin nabi Muxammed NNKH.

B- In Mulimiinta looga baahan yahay iney gutaan xaqa uu ku leeyahay rasuulka, sida iney xoojiyaan jaceylkiisa, ku dhagaan jidkii uu u jeexay, bartaan diintii uu la yimid, isla markaasna ay faafiyaan.

Ugu dambeyntii hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqeysa muslimiinta iney xoojiyaan ku dhaqanka diintooda, si ay u soo laabato haybaddii muslimiinta, markaasna ay u ilaashadaan muqaddasaadkooda.

Guddiga fulinta hay’adda culimada

Xigasho,soomaaliya

Garoowe,alminhaaj.com