+252 90 7798232 [email protected]

Roobdoontaan oo dadka garowe kutilmaameen Tii ugu dadbadnayd abid oo dadku iskugu soo baxaan iyaga oo eebahood kabaryaya roob ayaa kadhacday duleedka garowe waxaana lagu qiyaasay Muslimiintii Iskugu timid dad kor u dhaafaya 5000 ooqof .

Roobdoontaan waxaa wacdi iyo Dardaaran kasoo jeedshay Culimo Awdiin/ Nabadoono/Wasiiro /Iyo Duqa DegmadaGarowe waxayna dhamaan mas’uuliyiintii hadashay umada ugu baaqeen in ay eebe utoobad keenaan islamarkaana lays cafiyo .[nggallery id=30]

Sh.Fu’aad Maxamud Xaaji Iyo Sh Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil ayaa ninba dhankiisa ku dheeraaday in sababta loo waayay roobku ay tahay danbi aynu samaynay islamarkaana aynu kasbanay in aynu weyno raxmadii Eebe.

Waxaa iyana goobta kahadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha C/lahi Xaashi Iyo Wasiirka wasaarada Diinta waxayna ku dheeraadeen baahida loo qabo in si wada jir ah loogarab istaago bulshada reer Miyigaa ee Abaaruhu saameeyeen.

Nuur Jamac Adan Garowe