+252 90 7798232 [email protected]

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Magaalada Garowe waxa uu ahaa mid lagu daah furayay Hay’ada ay si gaar ah u leedahay Jaamacadda Bariga Africa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xildhibanada Baarlamaanka iyo Madaxda Jamacada .

Waxaa Hadal Wacdi iyo guubaabo dhanka wax barashada ah goobta kasoo jeedshay Sh.Axmed Cabdi Samad waxaana sheekhu sheegay in loo baahan yahay in lagawada qayb qaato Horumarinta Waxbarashada Waxaana Sheekhu Jaamacadda Ku amaanay Horumarka Isdaba Joogga ah ee ay gaarayso.

Cabdikariin Hussein Ahmed oo ah Madaxa Hay’ada Jamacada Bariga Africa oo kulanka ka hadlay waxa uu faah fahin ka bixiyay ujedka hay’adan loo aas aasay isagoo sheegay in ay tahay muhiimadu in ay horumariso ahdaafta iyo riyada jaamacadda

Maamulaha guud ee Jamacadda Bariga Africa Aadan Sheikh Doon Ali aya dhankiisa ka waramay ujeeda Hay’ada laga leeyahay Faahfaayin dheer kadib Aadam aayaa sheegay in Hayaddan ay tahay mid qiima weyn ugu fadhida jaamacadda waxaana filaynaa in ay dabooli doonto baahiyo badan oo jira hada Sidhaqso ah

Xildhibaan siciid Cabdi Samatar Surcad iyo Wasiirada haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa si isku mid ah madasha uga sheegay in ay taageeri doonaan Hay’adan islamarkaana ay la shaqeyn doonaan

Ugu danbayntii waxaa xafladda Soo xiray Wasiirk ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali faarax ayaa faah faahin ka bixiyay ahmiyada ay dhalinta reer puntland u ledahay waxbarashada tacliinta sare isagoo Hayadaanna Kutimaamay in ay kusoo aadan tay waqti loo baahan yahay  waxaana uu balan qaaday in ay lashaqayn doonaan islamarkaana garab siin doonaan Kawasaarad ahaan

Nuur Jaamac Aadan Garowe

vlcsnap-2015-11-28-22h34m42s12 vlcsnap-2015-11-28-22h35m40s240 vlcsnap-2015-11-28-22h37m01s18 vlcsnap-2015-11-28-22h37m51s12 vlcsnap-2015-11-28-22h38m38s224 vlcsnap-2015-11-28-22h39m10s38 vlcsnap-2015-11-28-22h39m26s195 vlcsnap-2015-11-28-22h39m38s62 vlcsnap-2015-11-28-22h39m55s228 vlcsnap-2015-11-28-22h40m10s121