+252 90 7798232 [email protected]

Jaamacadda Bariga afrika faraceeda magaaladda Boosaaso ayaa maanta uqabatay xaflad soo dhaweyn ah boqolaal ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo kusoo biiray Jaamacadda sanad dugsiyeedka 2014-2015.

Xafladda soo dhaweynta ah oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda ee Bosaso
ayaa,waxaa ka qeybgalay aasaasayasha Jaamacadda,Bod-ka iyo
Guddoonka,Mu’asada Minhaj,Rugta Ganacsiga Puntland,ardeyda cusub iyo
maamulayasha Iskuulada.

Madaxa Waaxda aqbalka iyo diiwaangelinta Shiikh Axmed Maxamed Siciid oo ugu
horeyn furitaanka ka hadlay ayaa kusoo dhaweeyey Jaamacadda Bariga Afrika
dhammaan ardeyda Cusub ee sanad dugsiyeedka 2014-2015.

Shiikhu,wuxuu kula dardaarmay in ka faa’ideystaan Waxbarashada isagoona u
sharaxaya Shuruudaha dhanka aqbalaad iyo shuruucda u yaala Jaamacadda
Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Shiikhdoon Cali ayaa kusoo
dhaweeyey ardeyda cusub Jaamacadda,wuxuuna ku booriyey iney u diyaar
garoobaan marxalada cusub ay galayaan dhanka aqoonta.

……””’ Marxaladaa inaad u diyaar garowdaan oo dadaal sameysaan ayaa la
idin kaga baahanyahay ……..”’ayuu yiri Aadan Shiikhdoon Cali .

EAU (1)

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland Maxamed
Caydiid Jaamac ayaa sheegay in maalin farxadeed u tahay in uu kasoo
qeybgalo soo dhaweynta ardeyda cusub.

Wuxuu sheegay in maamulka Jaamacadda Bariga Afrika usoo jeedinayo mahadnaq
ballaaran maadaama ay isu xilqaameen soo dhaweynta ardeyda cusub isla
markaana siiya tallooyin iyo waajibaadka laga rabo.

Shiikh Maxamed Cabdullaahi oo ku hadlay afka Mu’sasada Al-Minhaaj ayaa
xusay in Maamulka Jaamacadda Bariga afrika laga doonayo iney u sahlaan
ardeyda cusub wadiiqo walba oo ay mari lahaayeen isla markaana siiyaan
tallooyin ku aadan Jaamacadda.

Nuur Jaamac Aadam 

Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland

 EAU (2) EAU (3) EAU (4) EAU (5) EAU (6) EAU (8) EAU (10) EAU (13) EAU (14)