Danjiraha Qaramada midoobay u qaabilsan Somaaliya Mr.Nicholas Key ayaa wuxuu soo booqday Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe maanta oo taariikhdu ahayd 12 bisha March 2015. Ugu horrayn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiya JBA faraceeda Garoowe Shiekh Mohamud H. Yusuf oo ku soo dhoweeyey danjiraha jaamacadda isla markaan u mahad celiyey booqashadiisa uu ku yimi Jaamacadda, iyo fursadda iyo waqtiga uu ku bixiyey inuu ardayda jaamacadda ka dhegeysto Aragtidooda ku aadan Arrimaha UN-ku ay wadaan soomaliya.
Intaa kadib wuxuu Danjiruhu dhegeystay warbixin kooban oo ku saabsan Jaamacadda Bariga Afrika iyo wax qabadkeeda dhinaca waxbarashada oo aad u balaaran Mudadadii 16 sano ah oo ay jidhey Warbixintaas oo uu soo jeediyeyey Hormuudka kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Faraca Garowe . Kaddibna waxaa hadalka qaatay W/kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Dr Maxamed Cali Faarax oo ka warbixiyey waxabarashada sare ee Puntland iyo marxaladihii ay soo martay. Kaddib wasiirku wuxuu cod-baahiyaha ku soo dhoweeyey Danjire Nicholas Key oo isagu khudbad dhinacyo badan taabaneysey ardeyda u soo jeediyeyey.
Danjiruhu wuxuu u mahad celiyeyey maamulka iyo ardeyda jaamacadda sida wanaagsan oo ay ugu soo dhoweeyeen JBA, iyadoo weliba maalin fasax ah ay ahayd.
Danjiruhu wuxuu khudbadiisa xooga ku saarey arrimaha xafiiskiisu ka qabto soomaaliya, oo ah arrimaha siyaasadda iyo nabadgeliyada somaliya.
Arrimaha nabadgeliya safiirku wuxuu sheegay in UN-ku ay ka taageeraan soomaliya sidii ciidan qaran loo heli lahaa, iyagoo ka taageeraya dhinacyada Taageerada uu u baahanyahay sidii ciidan qaran oo federal ah loo helilahaa.
Arrimaha siyaasadda, safiirku wuxuu ku nuuxnuuxsadey sidii looga dhabeyn lahaa hiigsiga 2016, oo Soomalya loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah inay dhacdo. Wuxuu kaloo uu ka dhawaajiyey sidii dastuurka loo turxaan bixinlahaa isla markaasna cod loogu qaadi lahaa (referendum). wuxuu sidoo kale xusey marka dowladda federalka hadda jirta waqtigeedu dhamaado sidii doorasho loo sameyn lahaa oo dadka soomaaliyeed ay u dooran lahaayeen Baarlamaan iyo madaxdii xukumi lahyd.
Intaas kadib waxaa ardeydu weydiiyeen sul’aalo dhawr ah oo Mr.Key si faahfaahsan uga jawaabey su,aalaha iyo Jawaabuhuna waxay socdeen Muddo saacad ku dhow ,hadaba anagoo soo koobayna Su,aalihii iyo Jawaabihii uu bixiyey qaybo ka mid ah waa kuwan :