Kulankaan oo ay kasoo qaybgaleen Madaxda jaamacada.ardayda .Culimo .Isimo. Gudomoyaha Boorka Shirkada Golis C/Casiis Guureeye Kaarshe .Gudomiye Kuxigeenka guud ee jaamacada Sh Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe) iyo marti sharaf kale ayaa ahaa mid jaamacadu kusoo dhaweynaysan Ganacsato iyo culimo kayimid wadamada Uganda iyo keenya waftigaan oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa garowe ayaa galabtay kali mado dardaaran iyo dhiirigalin iskugu jiray u soo jeedshay boqolaal arday ah oo waxkabarata jaamacada bariga afrika .
Waxaana ugu horayntiiba kulanka kahadlay soona dhaweeyay gudomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal Sh .Maxamuud Xaaji Yuusf waxaana uu ku sifeeyay kulankaan in uu yahay mid caday naya in jaamacada iyo ardayda waxkabarata ay yihiin kuwa nasiib badan maadaama ay horfadhiyaan maantay ganacsatadii geeska afrika .
Waxaana sheekhu uga mahadceliyay waftiga waqtiga qaaligaa ee ay usoo hureen jaamacada iyo ardayda waxkabarata .
Intaaskadib waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Ganacsatada keynka Mudane Xasan Guuleed Waxaana ganacsade xasan ugu horayntiiba u mahadceliyay maamulka iyo ardayda jamaacada waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanatay kalimad kayiraahdo Jaamacada bariga afrika oo ah hooyada waxbarasha Puntland .
Waxaana uu ardayda ugu baaqay in ay siiwadaan dadaalkooda isagoo yiri waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka dhow wadankaan Maamili lahayd sidaas darted waxaan idinka codsanayaa in aynan dayicin mas uuliyada aad haysaan .
Waxaa isna lagu soo dhaweeyay Ganacsade ahna siyaasi caan ka ah keynya Mudane Cumar Xaaji Axmed waxaana uu ardayda kacodsaday in ay eebe uga mahadceliyaan fursadaan ay haystaan sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay ardayda iyo dhalinta dalka katahriibaya waxaana uu yiri xaqiiq waxaa faqri ah wadamada aa u tahriibaysaan .