+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa caawa oo Taariikhdu tahay 3/4/2015 galay habeenkii labaad  kulan cilmiyeed kii kasocday Masjidka Weyn ee Al-Huda Magaalada Garowe kulankaan oo ahaa mid xiriir ah  ayaa caawa galay habeen kiisii  labaad waxaana  caawa kabaxay masjidka Labo darsi  waxaana kuqornaa sidii horay loo iclaamiyay labada sheekh .Sh Cabdi Rizaaq Suldaan Dahabi Iyo Sh Mukhtaar Axmed Farax .

Waxaana darsiga qaybtiisa hore galay Sh Cabdi rizaaq Dahabi waxaana sheekhu Dul istaagay Aayad kamid ah ayaatka Qur’aanka ka kariim kaa  (والدين اوتوا العلم درجات) waxaana sheekhu  sheegay in qofkii eebe cilmi siiyay uu yahay qof uu siiyay aduunkoo dhan waxaana uu bulshada oo dhan ugu baaqay in ay bartaan  Cilmiga diinigaa  waana kaas kan lagu gaarayo horumar aakhiro iyo aduunayuu raacshay sheekhu .

Waxaana sheekhu  bulshada qaybaheeda kalduwan kudhiiri galiyay in ay waqtiga ay haystaan  kafaa iidaystaan waxaana uu kutilmaamay waqtiga in uu yahay hantida qofku haysto waxa ugu qaalisan .

Darsiga qaybtiisa labaad waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Sheekha oo isna dhankiisa kuqornaa Ciwaanka ah (Xaqiiqada Shiicada) Sheekha oo kamid ah culimada wax kaqoray Shiicada  ayaa ku dheeraaday in uu kalasaaro qaybaha ay kakooban yihiin Shiicadu iyo waliba waxay kala aamin san yihiin iyo dhaqamadooda .

Sheekha uu bulshada usoo bandhigay caawa darsi aad loo wada sugayay waxaa uu kahadlay Shiico waxay aamin san yihiin  iyo awoodaha ay maanatay kuleeyihiin  dunida islaamka waxana uu sheegay sheekhu in ay  lawareegeen Dowlado badan oo Zuniyiintu katalin jirtay waxaana sheekhu Xusay Wadamada Ciraaq Iyo Yaman  islamarkaana waxaana sheekhu kadigay in maantay ay ku soo badanayaan soomaaliya iyagoo waliba Xafiisyo  kafurtay  muqdisho .

Mar sheekhu kawarbixiyay  shiicadu sida ay maanatay ugu soo qulqulayso soomaliya geesaheeda ay tahya waxaan lasuuraysan Karin waxaana loobaahan yahay iyadoo lamidaysan yahay in laga hortago fikirkooda guracay .

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland.

[email protected]

+252907723014

Hooska Daawo Muxaadaradii Sh.C/risaaq Dahabi

Hoos Kadaawo Darsigii Sh.Mukhtaar Axmed Faarax

 

 

6 DSC06925 DSC06926 vlcsnap-2014-10-20-16h18m14s58 vlcsnap-2015-03-04-06h53m29s197 vlcsnap-2015-03-04-06h53m33s235 vlcsnap-2015-03-04-06h53m58s193 vlcsnap-2015-03-04-06h54m46s169 vlcsnap-2015-03-04-06h55m04s123 vlcsnap-2015-03-04-06h55m08s165 vlcsnap-2015-03-04-06h55m13s211 vlcsnap-2015-03-04-06h55m17s252 vlcsnap-2015-03-04-06h55m20s33 vlcsnap-2015-03-04-07h29m02s22 vlcsnap-2015-03-04-07h29m33s79 vlcsnap-2015-03-04-07h30m03s119 vlcsnap-2015-03-04-07h30m55s132 vlcsnap-2015-03-04-07h31m25s174