Gaalkacyo:- Kulan lagu hormariyo dacwada Gobalka Mudug ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray masuuliyiinta laba Mu’asaso ee Alminhaaj Mudug Iyo Safa Mudug.
Kulanka dhexmaray masuuliyiinta laba mu’asaso ee Al minhaaj Mudug Iyo Safa Mudug ayaa waxaa soo qaban qaabiyay sheekh Maxamuud Sh.Axmed ‘’Abuu Sheyba’’ oo kamida Culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caasan.
Ugu horeyn sheekh Abuu Sheyba ayaa aad uga mahadceliyay masuuliyiinta labada Mu’asaso sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeyn codsigiisii waxuuna sheekhu sheegay in kulan uu yahay mid ku saabsan Isbarasho dhex marta laba Mu’asaso ee Al Minhaaj iyo Safa oo kawada shaqeeya Arimaha Dacwada Gobalka Mudug.
Sheekha ayaa masuuliyiintii kulanka joogtay waxa uu warbixin dheer ka siiyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray hirgelinta Arimaha Dacwada soomaaliya gaar ahaan Gobalka Mudug,wuxuuna kula dardaarmay madaxda labada Mu’asaso inay iska kaashadaan ka shaqeynta Dacwada iyo sidii ay uwacyigelin lahaayeen bulashada ku shaqan Gobalka Mudug.
Sidoo kale waxaa madashada kalimaad isugu jirey dhiiragelin iyo bogaadin ka soo jeediyay Dr Aadan Maxamed Cigaal oo kamida Culumada Gobalka Mudug kuwooda ugu caansan ahna Gudoomiyaha Golaha Fulunta Mu’asasada Al Minhaaj Mudug waxaana Dr Aadan uu ku booriyay masuuliyiinta Al Minhaaj Iyo Safa inay siwada jira uga wada shaqeeyaan hormarinta Dacwada iyo inay isweydaarsadaan khibradaha ay uleeyihiin ka shaqeynta Arimaha dacwada si bulshadu ay uga wada faa’ideystaan.
Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al Minhaaj Mudug ustaad C/raxmaan sh,biaal Caad iyo Gudoomiyaha Cusub ee Mu’asasada Safa Faraceeda Mudug oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahceliyay Sheekh Abuu sheyba oo kaalin muhiima ka geystay hagaajinta Xiriirka labada Mu’asaso iyo isku xirnaantooda.
Gudoomiyaasha labada Mu’asaso ee Al Minhaaj Mudug Iyo Safa Mudug ayaa balan qaaday inay wada shaqeyn doonaan iskana kaashan doonaan hormarinta Dacwada iyo dardargelinteeda.
Si kastaba ha ahaatee kulankani dhexmaray masuuliyiinta Labada Mu’asaso ee Al Minhaaj Mudug Iyo Safa Mudug oo Xafiisyo ku kala leh Waqooyiga Iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xili labada Mu’asaso dardargelin xoogan oo ku aadan hormarinta Dacwada ay ka wadaan Gobalka Mudug.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Al Minhaaj Mudug