+252 90 7798232 [email protected]
19Gaalkacyo:- Waxaa Subaxnimadii Arbacada oo ku beegnayd 17/Ramadan/1437
hijriga ama 22/6/2016 Koonfurta Gaalkacyo ka furmay kulan-waynihii
saddexaad ee walaalaynta ummada Soomaaliyeed kaasoo ay qaban jirtay
Dalladda Ardayda ka Baxay Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, kaas
oo ay marti galisay Ururka Ardayda ka Baxay macadka Imaamul Muzani ee
koonfurta galkacayo.
Wafdiga kulankaas ka qayb galay ayaa ka kala yimid lix magaalo oo kala
ahaa Boosaaso, Garowe, burtinle, Gaalkacyo, Koonfurta Gaalkacyo ee
Gal-mudug, Galdogob iyo Buuhoodle; Dhalinyaradaas kulanku u furmay
ayaa xubno ka kala ahaa ururada hoos yimaada Dalladda ardayda ka
Baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya ee magaalooyinkaas ka kala
dhisan.Kulan waynuhu wuxuu Socday 22-24/6/2016, Waxaana Subaxnimadii ugu
horrayay la qabtay Shir Saxaafadeed lagu daahfurayay Kulan-waynaha
3aad ee walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu horrayn ka
hadlay Keyse Cabdirashiid Sh.Axmed oo ahaa guddoomiye ku xigeenka
ururka ardayda ka baxay macadka Imaamul-Muzani ee K.Gaalkacyo, intaa
waxaa xigay guddoomiyaha Dalladda Ardayda ka Baxday Macaahidda
Sharciga ah ee Soomaaliya Dr.Cabdiraxman Xassan Yuusuf oo ka
warbixiyay ujeeddada iyo ajandaha kulankooda, waxaa xigay gudduumiyaha
Jamaacadda Bariga Afrika qaybta Gaalkacyo  Dr.Aadan Max’ed Cigaal iyo
madaxa kulliyadda shareecada JBA Sh.Baddal Maxamuud, waxaa hadalka
qaatay Madaxda Mu’asasadka sida Mu’asasada Safa oo uu u hadlay
guddoomiyaha golaha shuurada Sh.Axmed Maxamuud Cilmi iyo Mu’asasada
Al-Minhaaj oo uu u hadalay Sh.Maxamed Siciid Muuse, Ganacsatadaa
hadalka la wareegtay, waxaana u hadlay Cali Tahliil oo ah guddoomiyaha
Shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud; Oday Dhaqameedkana waxaa u hadalay
Xassan Cali Xuseen iyo Cabdikariim Sheekh Axmed Xassan; ugu danbayn
waxaa Shir-Saxaafadeedka soo xiray Maayarka K.Gaalkacyo ee Galmudug
Xirsi Yuusuf Barre asagoo u mahad-celiyay Dalladda Ardayda ka Baxaday
Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, furayna Kulan-waynaha 3aad ee
Walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed.
114

Kulan-waynaha waxaa kasoo qeyb galay :
1- Ururka Ardayda ka Baxday Macadka Al-Sunna ee Magaalada Muqdisho.
2- Ururka Ardayda ka Baxday Macadka Imamul-Muzani ee K.Gaalkacyo.
3- Ururka Badar ee Ardayda ka Baxday Macadka Faaruuq ee W.Gaalkacyo.
4. Ururka Birri ee Ardayda ka baxday macadka imamul-bukhaari ee
magaalada Galdogob.
5. Ururka Xadiith ee ardayda ka baxday Macadka Hidaaya ee Magaalada Burtinle
6. Ururka Al-Wafaa ee ardayda ka baxday Macadka Khadiija ee Magaalada Garowe.
7. Ururka ardayda ka baxday macadka Ibnu Xajar ee Magaalada Boosaaso.
8. Ururka ardayda ka baxday Macadka Al-Furqaan ee Magaalada Buuhoodle.

Waxaa isla galabtii hoolka dugsiga al-shacab si toos ah uga bilowday
kulan-waynihii walaalaynta iyo soo bandhigidda waxqabadkii u qabsoomay
muddadii lasoo dhaafay ururada ardayda ka baxay macaahidda sharciga ah
ee aan kor ku so xusnay.

Maalinimadii jimcaha ahaydna waxaa la qabtay shir saxaafadeed lagu soo
af-meerayay kulan-waynaha 3aad ee walaalaynta ummadda Soomaaliyeed,
waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ee ay ugu
horreeyaan culumada, maamulka degmada, oday dhaqameedka, dhalinyarada
iyo haweenka, waxaana shirkaas ka hadlay ururadii kasoo qayb galay
kulanka, culumadii magaalada, maamulka mu’asasada Al-Safa, guddoonka
Jaamacadda GU, oday dhaqameedkii magaalada, Guddoomiya Dalladda
ardayda ka baxday Macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya oo
war-murtiyeedkii kulanka kasoo baxay soo jeediyay, ugu danbayna shirka
waxaa soo xiray guddoomiye ku xigeenka K.Gaalkacyo.

Kulan waynahaas waxaa barbar socday Shaqooyin kaloo fara badan,
waxaana masaajidda magaalada laga galay 12 muxaadaro oo badidood
walaaltinimada Islaamka ka hadlayso, sidoo kale waxaa la booqday ilaa
4 goobood oo Cusbitaallo, Goobo Waxbarasho iyo Dalxiis isugu jira,
waxayna ururada bulshada iyo Dalladda Ardayda ka baxday macaahidda ay
galen ilaa 4 kulan oo barbar socday Kulan waynaha 3aad ee Walaalaynta
ummadda Soomaaliyeed.

2 5 6 7 9 10 12  15 18 19