Qaybo kamid ah culimadii nadwada kawaday garowe ayaa kulan laqaatay ardayda Jaamacada PSU Ee Caasimada dowladda Puntland. waxaana Culimadaan hogaaminayay caalimka soomaaliyeed Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed Waxaana kulankaan kuweheshay Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed Waxaana Labada Sheekh ardayda kala hadleen Siday unoqon lahaayeen arday bulshadu kudayato.
Ardaydaan oo dhamaan tood usoo baxay siday udhagaysan lahaayeen Culimada islamarkaana su,aalo uweydiin lahaayeen waxaana Culimadu ardayda kudhiiri galisay waxbarashada gaar ahaan barashada diinta Islaamka waxayna ugadigtay Tahriibta oo ah mid aan sina kubanaanayn.
waxaa kaloo Culimadu Ugadigtay ardayda inxiraafka iyo in ay diina sixun u fahmaan waxayna arday usheegeen aqoonta aad barateen in ay kamid tahay waxyaabaha aakhiro Allah weydiinayo sidaas darteedna ay mudan tahay in waxaad baratid oo khayr ah aad umada gaarsiisan.
Dhanka kale waxaa Ardaydu soo weydiiyeen Su,aalo badan Waxaana dhamaan tood ka kaafiyay Culimada.
Isku soo duubo waxaa kulan kaani kusoo dhamaaday farxad iyo rayn rayn labada dhinacba ah waxaana balan lagu wadaqaatay in xaqa dadka laagaarsiiyo xumaantana looga digo
NUUR JAAMAC AADAN
XAFIISKA WARBAAHINTA MU,ASASADA AL-MINHAAJ PUNTLAND .