+252 90 7798232 [email protected]

Maalinimadii Axada  15/06/2014 waxaa guriga uu ka degan yahay magaalada Qardho Boqor burhaan Boqor Muuse uu ku soo dhoweeyey Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdigii la socday ee maalmahaanba safarka Dacwadeed ku maraayey degaanada Punt land Gaar ahaan magaalada Qardho , Boqorka ayaa si diiran oo laab furan ku soo dhoweeyey Sheekaha iyo wafdigi Culimada oo uu hogaaminayey ,waxa uuna tilmaamay inuu ku faraxsan yahay manta safarka dacwadeed ee shiikhu uu ku maraayey degaanada soomaalidu degto guud ahaan, gaar ahaana Magaalad qardho,

Waxa uu Boqor burhaan Tilmaamay in culimadu ay mar walba ay ku hawlanaayeen fidinta diinta  islaamka iyo islaaxinta bulshada, uuna ku faraxsan yahay safarka Sheekha iyo Culimada uu horkacaayo.

Waxa Boqor Burhaan ugu baaqay Sheekha inuu marar badan uu joogtaeeyo safaradan oo kale,waxa uuna tilmaamay inuu diyaar uu yahay in Culimada uu kala shaqeeyo sidii umada loo islaaxin lahaa hogaan iyo bulshoba.

Dhanka kale waxaa fadiilatu sheek Maxamed Cabdi umal uu ka mahad celiyey soo dhowaynta uu u sameeyey Boqor burhaan isaga oo tilmamay inuu aad ugu faraxsan yahay sida qimaha badan ee degaanada uu maraayey loogu soo wada dhoweeyey taasina ay tusaale u tahay sida umadu u jeceshahay diinkooda iyo ehelka diinta, waxa kale oo sheekhu ku baraarujiyey in culimada iyo hogaamiyasha qaybahooda kala duwan in ay  iska garabsadaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen islaaxinta umada diinkooda iyo dunidoodaba. Waxa uuna u duceeyey boqorka in ilaahay dhawro waafajiyona tubta iyo talada toosan aduun iyo aakhiroba.

Ugu danbayntii booqashada waxaa boqorku sakootiyey wafdiga uu sheekhu Hogaaminayey .

20140615_113322 (1) 20140615_113322 20140615_114034 20140615_114040 20140615_114247 20140615_114445 20140615_114510 20140615_114554

Nuur Jaamac Aadan

Mu,asasada Alminhaaj , Magaladda Qardho