+252 90 7798232 [email protected]

Kuleejka Maka –Almukarama ee kuyaal Duleedka Magaaladda Garowe ayaa ah mid wax lagu baro ardayda islamrkaana leh hoyaatin ardaydu ay kusugnaadaan Kuleejka maalin walba marka laga reebo Jimcaha iyo Khamiista malmahaas oo ah maalmaha ay tagaan guryahooda .

Kuleejka  Maka-Al-Mukarama ayaa ah mid kasaaray baahidii looqabay in lahelo Goob Caruurtu ay kahelaan deegaan iyo waxbarasho wada socda kuleejka ayaa kusoo beegmaya xili ay Garowe u qabtay baahiweyn in Lahelo keleej caankaan oo kale ah.

Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo soo agaasimay islamrkaana lagu shaacinayay Natiijada Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2015.2016 islamarkaana abaal marino lagu gudoon siinayay ardaydii kaalimaha hore kagashay imtixaanka waxaa iyana goobta shaadooyin sharaf lagu Gudoonsiiyay Waaridiintii Kuleejka Garabtaagnaa Mudadii Uu furnaa,

Xafladaan oo ahayd mid ay kasoo qaybgaleen Mas’uuliyiin kasocotay Wasaarada Waxbarashada / Mu’asasada Al-Minhaaj /Waaridiin Iyo Marti Sharaf Kaloo Badan waxaa ugu horaynba xaflada lagu soo dhaweeyay Maamulaha Kuleejka Maka Al-Mukarama Maxamed Cawiif waxaana uu ka warbixiyay Heerarkii kaladuwanaa ee uu soo maray Kuleejku Iyo guulihii uugaaray.

Intaaskadib waxaa isna goobta kahadlay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax oo Qiray In kuleejku uu buuxiyay kaalintii laga filayay isgoo ku amaanay sida sharafta badan ee ardayda loo baray Qur’aanka kariimkaa Iyo Madooyinka Maadigaaa .

Ugudanbayntii waxaa Xafladda Soo Xiray Godoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Cismaan Faarax  waxaana uu dhankiisa Bogaadiyay Kuleejku guulaha uu gaaray waxaana uu sigaar ah uladardaarmay waaridiinta iyo Maamulka /Macalimiinta in ay Xilweyn iskasaaraan Mas’uuliyadaan weyn ee ay u mada u hayaan.

1 2 3 4 5 6 7