+252 90 7798232 [email protected]

lamaanihii jacaylka Sh. Axmed Johari iyo Hibo Guuleed ayaa kulan qiimo badan layeeshay  Mamulka sare \Macalimiinta Iyo Ardayda wax kabarata Mac-hadka Khadiija Bintu Khuweylid Ee Lagu barto  Culuumta Shareecada Xafiiskisa garowe Kulankaan oo ahaa mid qiimo badan xanbaarsan waxaa kasoo qaybgalay in ta badan Ardayda Waxkabarata machadka oo u badan dumar.

[nggallery id=11]

Uguhorayn Maamulha Mac-Hadka Sh Mukhtaar axmed Faarax aya Lamaanaha  kusoo dhaweeyay  mac-hadka  islamarkaana u mahad celiya isagoo  ku tilmaamay qoyskaan in ay yihiin kuwa dadka gaar ahaan qoysaska islaamkaa  wax badan oo wanaagsan kusoo kordhiyay  .

Dhanka kale Sheekhu waxaa uu Lamaanaha Ku dhiiri galiyay Shaqada ay wadaan in ay meeshooda kasii wadaan iyaga oo Allah Tala saaranaya  .

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Mudug Tigay Ayaa  Garwadeen ka ahaa booqashooyinkaan iyo kuwa lamid ah oo ay ku marayeen lamaanuhu meela badan oo kamid ah Puntland  .

Ugu Danbayntii Lamaanaha ayaa U mahadceliyay Mamulka Iyo Ardayda Machadka  Khadiija Waxayna ku Tilmaameen in ay halkaan kow katahay meelaha larabo in ay kasoo baxaan qoysas wanaagsan  oo islaamka waxtara .

Waxayna ku Dardaarmeen in qoysasku ilaaliyaan  Habdhaqanka wanaagsan ee Islaamku Dhiiri galiyay.

Nuur Jaamac  

Alminhaaj

Email: [email protected]