+252 90 7798232 [email protected]

Maamulka Mu’asasada alminhaaj oo safar dacwo ku tegay degmada buraan ee gobolka sanaag,  safarkaasi oo qaatay mudo laba cisha ah ayaa waxaa ku qabsoontay acmaal badan oo dacawi ah , ujeedka safarkaan ay mu’asasadu ku tagtay magaalada buraan ayaa ahaa gudashada waajibka alle ee dhanka dacwada , u gogol xaarida mac-hadka sharciga ee degmada buraan , dhul u helida machadka  iyo u kuur gelida xaalada dacwadeed iyo bulsho ee deegaanka buraan .

Mudadii koob nayd ee ay wafdiga mu’asasadu magaalada ku sugnaayeen ayaa waxaa u qabsoontay shaqooyin badan oo ay mid ahaayeen ;

Qabashada muxaadirooyin guud , kulanka dhalinyarta, kulan ka maamulka dacwada iyo ducaada , muxaadirada haweenka  , dacwa shaarica , kalimaad salaadaha ka dib ah iyo kulan odaaysha iyo maamulka degmada buraan ay la qaateen , dhamaanba qayb ha bulshada ee la la kulmay waxay si weyn usoo dhoway yeen furitaanka mah-hadka sharciga ah iyagoo xusay in baahi weyn loo qabay xili horena la sugaayay furidiisa  , intii shaqadaasi socotay waxaa dhul weyn oo 6 qol ka kooban lagu wareejiyay maamulka mu’asasada al minhaaj si looga furo mac-hadka sharciga ah ee magaalada buraan oo lagu balamay in albaabada loo furi doono bisha may 2015 haddii eebbe idmo .

Safarkaasi wuxuu kusoo gaba-gaboobay xaflad ay xalay kasoo qayb galeen qaybaha bulshada iyo  gudoomiyaha degmada Buraan Botaan Axmed Bootaan oo sheegay in uu yahay ardayga ugu horaya ee is qoraya mac-had hadii eebe idmo bulshadana u sheegay in ay mac-hadka ku wareejiyeen dhismahaas lixda qol ah  .

Wafdigaan waxaa ka mid ahaa :

1-  Maxamed  Cabdulaahi Cabdulle Gudomiyaha Mu’asasada Alminhaaj .

2- Sh Cismaan Max’ud X Dirir Xafiis Dacwada Alminhaaj .

3- Sh Cali Siciid (Cali Maax) .

4- Sh Cawil Cali Ciise .

5- Sh ibraahim Bisle .

6- Ganaacsade Maxamud Siciid Cismaan .

7- Sh Mubaarak Maxamed Cabdulaahi .

8- Saalax ciise Shirbeeye .

S.M.Diiriye Al-Minhaaj Bosaso 

IMG_2188 IMG_2198 IMG_2219 IMG_2229 IMG_2283 IMG_2307 IMG_2337