Galkacyo:- Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ iyo qaar ka mida Masuuliyiinta Makaatibta ayaa caawa Magaalada Galkacyo kusoo dhaweeyay Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay gudoomiayah Xafiiska Al Minhaaj Galdogob Sheekh Farxaan Axmed Cabdilaahi.
Soo dhaweynta kadib ayaa gudoomiye Faratooyo waxa uu wafdiga uu ku qaabilay Xafiiska Mu’assasada Al Minhaaj Mudug waxaana uu uga warbixiyay xaaladaha kala duwan ee Mu’assasada isagoona ku amaanay Gudoonka sare Al minhaaj Galdogob booqashada uu kusoo gaaray Xafiiska Guud ee Mu’assasada Al minhaaj Mudug.
Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha Xafiiska Mu’assasada Al minhaaj Galdogob waxa uuna ka warbiyay ujeedka safarkooda ee ku yimaadeen Magaalada Galkacyo waxaana Sheekh Farxaan uu sheegay in ay soo galeen Safar qaatay Mudo seddex cesho ah kaas oo ay kusoo kala bixiyeen deegaano badan oo ay ugu kuurgalayaan xaaladaha dacwadeed ee ka jira deeganadaasi.
Sidoo kale Sheekh Farxaan ayaa maamulka sare ka codsaday in safarada Dacwada la badiyo si loo ogaado Duruufaha ka jira deegaanada fog fog loona gaarsiiyo kaalmo wixii loo awoodi karo.
Gudoomiyaha Xafiiska Mu’assasada Al minhaaj Galdogob ayaa sidoo kale balan qaaday inay soo gudbin doonaan warbixin guud oo ay uga hadli doonaan safarkoodii mudada seddexda cesho qaatay iyo wixii uqabsoomay.
Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ iyo qaar ka mida Masuuliyiinta Makaatibta ayaa sii sagootiyay wafdiga iyagoona isla caawaba Magaalada Galkacyo uga sii gudbay Degmada Galdogob.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al-Minhaaj Mudug