Galkacyo:-Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug ayaa Daawo iyo raashin gaarsiiyay Kaamam ku yaala Duleedka Magaalada Galkacyo.
Maxamed Xasan waloore oo ah gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug ayaa deeq isugu jirtey Daawo Iyo Raashin waxa uu gaarsiiyay Kaamka Doobyaale oo ka mida kaamamka ku yaala Deegaanka Hala Bookhad.
Kaamamka uu booqdey Gudoomiyaha ayaa waxaa ka jiray xaalad nolol xumo waxaana saameyn ku yeeshay roobabkii dhawaan ka da’ayay gobalka mudug iyadoo halkaasina ay ku sugnaayeen caruur aad uyar yar iyo dad da’a ah oo laga dareemayay saameyntaasi xoogan.
Dadkii ka faa’ideystay Daawada iyo Raashinka la gaarsiiyay ayaa mahadcelin iyo farxadda la wadaagay Gudoonka Xafiiska Mashaariicda ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug waxayna sheegeen inay muhiim u tahay deeqdan kooban oo lagu soo beegmay xilli ay aad ugu baahnaayeen.
Sidoo kale Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa waxa uu sheegay in ka mu’assasa ahaan ay ku dadaalayaan in baahiyaha jira ay wax ka qabtaan insha allaah wuxuuna gudoomiyihu uu codsi udirey qof walba oo awoodi karta inay ka qeyb qaadato caawint iyo ugurmashada dadka tabaaleysan ee ku jira Kaamamka.
Si kastaba aha haatee Xafiiska Mashaariicda ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug ayaa maalmihii udambeeyay wadey dadaalo loogu gurmanayo dadka dan yarta ee tabaaleysan sida caawinta Agoomaha Iyo Dadka da’da ah.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug