Soodhawayntaan oo ahayd Mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Madaxkasocotay Wasaarda Cadaalda /Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal/ Culima Aw diin iyo waaridiin ayaa kadhacaday Goroonka Diyaaradaha Ee Kanoco Oo Kuyaal Duleedka Garowe.
Ardaydaan oo dhamayd 3 wiil islamarkaana kaqayb gashay Tartanka Qur’aanka Heer Somali oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxay kasoo hoyiyeen guulo muhiim ah iyogoo galay Qaybo Kamid ah kaalimaha sare.[nggallery id=66]
Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Sh Mukhtaar Axmed Faarax ayaa Goobta soo dhawanta kasheegay in kaminhaaj ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin soodhawantaan qiimaha badan waxaayna mudan yihiin in sidaan iyo si kasii wanaagsan loo soo dhaweeyo Ayuu Yiri.
Ismaaciil Xaaji Cabdi oo kasocday wasaraada Cadaalada Dowlada Puntland ayaa isna dhan kiisa soo dhawayntaan kajeedshay khudbo qiimo badan waxaana uu sheega in loodiyaariyay ardaydaan in ay soo dhaweeyaan Mas’uuliyiin heer Wasiiro ah balse Aysan suurtagalin .
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warfaafinta Al-Minhaaj