+252 90 7798232 [email protected]

Maanata oo bisha ramadaan ahayd 20 sanadka 1435H kuna began 18/07/2014M  waxaa ka bilowday masjidka al hudaa ee magaalada garoowe tartankii  qur,aanka kariimka ahaa,  furitaanka ayaa waxaa ka soo qayb galay  madaxwaynaha dawlada Puntland, wasiiro, xildhibaano, culimo awdiin,wax garad, ardaydii tartamaysay,iyo bulsho aad u tiro badan.

20113

Gudiga tartanka Qur’aanka kariimka ee Puntland  oo metelayey Mu’asasada al minhaaj ayaa ugu horayn tibaaxay heerarka uu soo maray tartankani,  sheegayna inuu yahay sanadkii afraad oo is daba jog loo qabto, waxa uu tilmaamay in is reebreebkii degmooyinku uu ka qabsoomay bisha bilowgeedii   12 degmo oo ka tirsan Degaanada puntland, kuwaasoo ay kasoo baxeen ardayda  ku  tartamaysa magaalada garoowe, tiradooduna dhantahay 34 oo kakala yimi 12 degmo, waxayna ku tartmayaan sadexda heer eek ala ah 30jus 20jus 10jus.

Waxa kale oo gudigu tilmaamay in ay ka qaybqaateen dhiiri gelinta iyo qabsoomida tartanka Madax waynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali gaas, shirkadaha ganacsiga,sida shirkada taleefoonada Golis, Barwaaqo,Salaama Bank, Somtel,iyo kuwo kale oo badan

Waxaa kale ee xaflada furida ka hadlay sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf oo tibaaxay  Qiimaha uu  leeyahay tartankani, alle agtiisana ajarka iyo abaalka laga helaayo, waxa uuna uga mahad celiyey kasoo qaybgalka madaxwaynaha, iyo labada gole, wuxuuna ku dhiiri geliyey inay horay u sii wadaan taageerida tartanka Qur,aanka Kariimka ah,

Isla xaflada furitaanka waxaa ka hadlay Duqa Degmada Garoowe Mudane: C/casiis Nuur Cilmi Koor isaga oo ku soo dhoweeyey dhamaan tartamayasha magaalad garoowe, bogaadiyena habsami u socdka tartanka,isla markaana muujiyey magaalo ahaan sida ay ugu faraxsan yihiin in sanad walba lagu qabto tartankaan magaalada garoowe, bogaadiyeyna abaabulka iyo dawrka mu’asasada al minhaaj ay ku lahayd taaba gelinta tartanka.

Waxa kale oo xaflada ka hadlay wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Diinta Mudane :Ismaaciil Maxamed Warsame oo muujiyey sida uu ugu faraxsaanyahay tartanka Qur,aanka Kariimka ah isla markaana tilmamay in la taageero sidii da’yarta loogu dhiiri gelin lahaa barashada Qur’aanka Kariimka.

Ugu danbayn waxaa hadalka qaatay Madaxwaynaha Dawlada Puntiland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas isaga oo aad ugu dheeraaday Dareenka uu maanta dareemaayo iyo sida uu ugu faraxsanyahay inuu goob joog ka noqdo maanta tartankii loo qabanayey kuwa xanbaarsan Kitaabka Alle,waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday sida ay muhiim u tahay in xil gaara la iska saaro in la hormariyo madaarista lagu barto qur,aanka kariimka ,amaanayna waalidkii barbaariyey ubadkaan,sababtana u noqday in ay heerkaan soo gaaraan, isla markaana bogaadiyey mu’asasada Al minhaaj oo soo qabanqaabisay tartankaan iyo shirkadaha ka qayb galay taaba gelinta tartanka Qur,aanka kariimka ah. Sheegayna in mas’uuliyada dawladu ay tahay difaacida diinka,maalka,iyo sharafta qofka soomaaliyeed ee degaanada puntland, ugu danbayntiina waxa ku dhawaaqay madaxwaynuhu inuu furan yahay tartanku.

14 13 12  9 15 16 17 4 5 7 6 8 2 1