+252 90 7798232 [email protected]

73

Garowe: Madaxweyne ku Xigeenka Dowlada Puntland Mudane C/Xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Muftiga weyn ee Soomaaliyeed Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada ugu waaweyn culimada Soomaaliyeed si aad ahna looga qaddariyo ummada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Puntland,ayaa M/Weyne ku xigeenku waxa uu sheekha uga mahad-celiyey booqashado dacwo ee uu ku yimid deegaanada Puntland. Dhiniciisa ayaa Sh. Umal waxa uu isaguna uga mahad-celiyey Dowlada Puntland sidii weyneed ee shalayto loogu soo dhaweeyey magaalada Garowe, isaga oo xusay in ujeedada uu u yimid Puntland ay tahay wacyi-gelin ah xagga diinta oo la mid ah middii uu ku soo maray Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) iyo Somaliland. Soo dhaweynta sheekha waxaa ka qeyb-qaatay ku dhawaad 200 oo baabuur iyo dad aad u tiro badan oo isugu jiray 16 wasiir, afhayeenka baarlamanka Puntland, saraakiisa ciidamada Puntland, police, culimo’uddiin, ganacsato, haween, dhalinyaro oo ardayda jaamacadaha iyo iskoolada.

Kulanka ka dhacay xafiiska madaxtooyada waxaa kale oo ka qeyb-galay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowland Puntland Mudane Dr. Maxamed Cabaas, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Suleymaan Yuusuf iyo Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf oo isagu horkacaayey culimo’Awdin fara badan oo ka socotay Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

73

123457