+252 90 7798232 [email protected]

Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Boosaaso oo kamid ah magaalooyinka ugu waa weyn Puntland,

Inkastoo Masaajiyadda Bosaso saladda ciida lagu tukaday, hadana dadwayne aad u faro badan ayaa salaada ciida oo lagu tukaday garoonka kubadda cagta Bosaso kasoo qayb galay waxana ka mid ahaa dadkii halkaa ku tukaday mamulka Gobalka, kan degmada, Culimo udiinan, iyo dadwayne aad u fara bad.

Maamulka gobolka,kan degmada iyo Culuma’udiinka magaaladda ayaa dadweynihii ku tukaday Salaadii Ciida garoonka ku bada cagta halkaas kula hadlay.

Shiikh Maxamed Macalin oo kamid ah Culuma’udiinka ugu waa weyn Puntland oo ugu horeyn la hadlay shacabka ayaa sheegay in dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynayo farxada Ciida, sidoo kalana kula dardaarmay inay acmaashii wanaag sanayd ee ay bisha ramadaan soo sameeyeen ay siidaa imaan,  .

sidoo kale shiikha ayaa uga baryay dadwaynaha in alle ciidaan ciideeda ku gaarsiiyo amni iyo iygoo acmaal wanaagsan ku dhex jira.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo isaguna ka hadlay madasha ayaa bulshada ku dhaqan magaaladda Boosaaso ugu hambalyeeyey munaasabada Ciida,wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in maanta oo kale is cafiyaan cid kasta oo wax kala tabaneysa, sidoo kalana dadka ku booriyay inay wax istaraan maalintaan farxada badan.

 

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdirixmaan Cali Cabaas(Muslim) ayaa xusay in bulshadda looga baahanyahay iney adkeeyaan ammaanka ,wuxuuna ammaan u jeediyey shacabka sida wanaagsan ay laamaha amniga ula shaqeeyaan.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo isagu hadalka soo gunaanaday ayaa isna dhankiisa faraxada munaasabadan u diray dhammaaan Ummada Soomaaliyeed,wuxuuna EEBE uga baryey in Ciida teeda kale farxad ku gaarsiiyo.

Iskusoo wada  duudooboo munaasabada ciidul fidriga ayaa maantay waxa ay u dhacday si heer sare ah, iyadoo ay dhamaan dad waynaha boosaaso ay halmar wada ciideen.

S-M-Diriye Waxiiska Alminhaaj Bosaso

www.Alminhaaj.com

 

ciid1 ciid2 ciid3 ciid4 ciid5 ciid6 ciid9