+252 90 7798232 [email protected]

Nadwadaan oo ahayd tii 16aad Ee sanadwalba lagu qabto Masjidka Al-Rowda Bosaso ayaa gashay habeenkii 6aad ahna habeenkii ugu danbeeyay waxaana inta aan lagaarin Xaflada Xiritaanka Nadwada Darsi ciwaankiisu ahaa (Mas’uuliyada Xukumada Kasaaran Kahortaga Musuq’maasuqa Iyo Ilaalinta Wadanka ) waxaana soojeedshay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culimada wax kaqoray  Somaliya Iyo Heerarka  Uu Gaaray Musuqu  islamarkaana waxbadan kajeedshay gooba kaladuwan Talooyin kusaabsan sidii looga hortagi lahaa Musuq’masuqa.

Sheekha ayaa soo bandhigay heerarka ay Somali kagashay liiska musuqmaasuqa aduunka in ay tahay meelaha ugu sareeya musuqa  waxaana Sheekhu tilmaamay sabaha keenay in Somali ay noqoto meel ku caanbaxday musuq’maasuqa waxaa kow ka ah in aysan Somali lahayn xeer ciqaabeed kusaabsan musuqa qofkii lagu helo iyo ciqaabta uu mudanayo taas markii lawaayayna ay bulshadu gaartay in jaantaa rogan waxwalba noqdaan .

Ugu danbayn sheekha ayaa soo jeedshay talooyin dhowr ah  waxaana kamid ahaa .

  • Kudhaqanka Shareecada Islaamka Maadaama ay ugu horeesay Cidiwalba oo kahortagtay Musuqa .
  • In lasameeyo hay’ad madaxbanaan oo ladagaalanka musuqa ah
  • In lasameeyo Xeer qeexaya Ciqaabta uu mudanayo Qofkii lagu helo musuq midyar iyo Midwayn .
  • Qofka Mas’uuliyada loo dhiibayo oo loodoorto Qof Diin iyo Amaano leh.

Intaaskadib waxaa lagalay hadaladii Xiritaanka Nadwada  waxaana goobta kadlay Marti sharaf kaladuwan oo ay kamid ahaayeen  Culimada diinta Madaxda dhaqanka Mas’uuliyiin kasoctay Wasaarada Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta iyo  Maamulka Mu’asasda Al-Minhaaj Gobolka Bari waxayna dhamaan mas’uliyiintii goobta kadashay soodhaweeyeen Nadwadaan iyo In ay kusoo beegantay Xili Baahi wayn looqabay sidii loo helilahaa dad kasoobaxa Mas’uuliyada guud iyo gaar ahaanba.

Gabagabadii waxaa goobta laga akhriyay  bayaan Culimadu ay kasoosaareen Nadwadii Mudada lixda habeen ah kasocotay  Masjidka Al-Rowda Bosaso  bayanka ayaa loodiray guud ahaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan waxaa Culimada Baaq U direen Somaliland IyoPuntland .

Nuur Jaamac Aadan .Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj  .