Markis maryama bintu Cimraan oo ah goob ugaar ah waxbarashada haweenka noocyadeeda kaladuwan sida Barashada Shareecada Islaamka Iyo Dhamaan wixii lagu Hormarinayo Xirfada haweenka ayaa mudadii ay jirtay waxay ku tilaabsatay tilaabooyin muhiim ah oo u badan tayaynta Waxbarashada haweenka .
Markiska oo kaduulaya ulajeedkii loo aas aasay ayaa bilaabay koorsooyin kaladuwan sida Barashada harqaanka /barashada Toliinka dharka /barashada Cunta karinta /barashada Karinta ama buufinta dharka iyo xirfada kaloo muhiim ah waxaana maantay lasoo afmeeray dufcadii 1aad ee dhamaysatay Barshada Cunta karinta waxaana ka qalin jabiyay 23dumar ah kuwaas oo bartay Karinta Cuntada qaybaheeda kaladuwan oo isku dheeli tiran.[nggallery id=81]
Cuntada ay barteen dumarkaan waxay dhamaanteed tahay tan kazoo baxday dhulkeena taas oo sababi karta in laga kaaftoomo isticmaalka cuntada katimaada dibada maadaama dhakhaatiirtu amaantay tan kasoo baxda dhulkeena hooyo.