+252 90 7798232 [email protected]

Inta badan dhalintu markay Qur’anka ebyaan ayagoo waliba ku jira da’ xasaasi ah waxay galaan suuqa waxayna iska dhigaan sidii inay ka xaroobeen dugsi quraankii iyo dhamaan wixii waalidka iyo macalimiintu ku Ilaalin jireen  jireen.

Sidaa awgeed Mu’assasada alminhaaj- Galdogob waxay bilowday mashruucaan oo hada ku jira wajigisii labaad, si dhamaystiranna u bilaaban doona horaanta bisha Juun inshaa Allaah.

Wajiga labaad ayaa ahaa dowro loo qabtay ardaydii loo soo xulay dufcada koowaad ee Ubayi Ibnu Kacab.
Mashruucaan oo ah mid aad loogu hanwayn yahay ayaa noqonaya in ardayda quraanka dhamaysay intay ku jiraan maamulka madrasada loo sameeyo koorso soconaysa sanad oo lagu xafidsiinayo aasaasiyaadka culuumta shareecada, Kadibna loo gudbiyo goobaha waxbarashada diinta, koox cusubna la qaato sidaasna looga fakado gaabkii u dhaxayn jiray malcaamada Qur’anka iyo goobaha kale ee waxbarashada diinta.
Maadaama mashruucu cusub yahay dhamaan Akhyaarta Khayrka jecel waxaan marti uga nahay talooyinkooda. Waxaana fariin taan idin soo gaar siisay Xafiiska Mu’asasada Al-Minhaaj Galdogob

Wixii Tallo Iyo Tusaale Ah waxaad noogu soo dirtaa

Email: [email protected] Ama [email protected]  facebook. https://www.facebook.com/ahmeddheeli.faarax

1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12 13 14 15 16