+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocotay diiwaangalinta ardayda loogu talagalay  in ay noqdaan xer qaadata xalaqaadka cilmiga sharcigaa kana qaataan culimo magac weyn kuleh somali .

xalqaadka cilmiga shareecada islaamka ayaa ahaa habkii ugu wanaagsanaa ee soomaliya looga baran jiray cilmiga waxaana kamid ah meelaha si da aad kaaloo ga xasuusto koonfurta somali oo ay kamid ahaa yeen eebe ha unaxariistee xertii sheekh cali suufi xertaas oo lagu xasuusto halgan kii ay usoo gashay fidinta iyo barida umada kitaabka allaah waxaana ilaa iyo hatan lagurtaa xertas iyo kuwalamid ahaa oo kahana qaaday soomaaliya .

xalaqaad kaan oo ay soo bandhigeen culumo kuxeel dheer kitaabka allaah iyo zunada nabigeena muxamad salallaahu calayhi wasalam . oo ay horkacayeen jamaacadda Al ictisaab bilkitaabi wazunah  ayaa lagu soo bandhigay dhoowr bilood kahor magaalooyinka waaweyn ee somali manhajkii ay jamaacadu udajisay in ay kusocdaan xalaqaadka cilmiga sharcigaa       mar warbiihinta islaamigaa ee alminhaaj su,aalka weeydiisay Sheekh axmed cabdi samad oo ah gudoomiyaha golaha fulinta jamaacadda al ictisaam sababta keentay in dibloo sooceliyo xalaqaadkaan ayaa sheegay in ay tahay sababtu kadib markii si aada loo dareemay hooskudhac kuyimid barashada cilmiga shareecada islaamka sidaas darteed waxaa muhiim ah in umadaan laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka diimeed ee umadaan loogana badbaadin lahaa in da,yartu ugacan gasho fikirada qaloocan oo ay in xiraafaan .

isku soo wada duuboo waxaa masjidka alhuda laga dareemayaa diyaar garowga loo gu jiro sidii loo diyaarinlahaa xerta iyo qaabgii hada loo gu bilaabi lahaa cilmiga sharcigaa waxaana kamid ah culimadda diyaarka u ah in ay boqolaal xer ah ubilaabaan cilmiga SHEEKH MAXAMUUD XAAJI YUUSUF iyo  CULIMA KALOOBADAN

N.J.A Xafiiska Warbaahinta Alminhaaj Garowe