+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday goboladda puntland abaabul balaaran oo ay garwadeen kayihiin Culimada iyo waxgarad  kale  waxaana looga tashanayay sidii laga yeeli lahaa xaalda walaalaha kunool gobolka gedo oo ay ku dhufateen abaaro balaaran abaarahaas oo sababay dhimasho dad iyo duunyo leh waxaana  shirar Kaan oo ah kuwa aan kala go lahayn  ka socdaan  magaalooyinka waaweyn ee deegaanada puntland.

waxaana ugu horayntiiba laysla qaatay sidii  eebe loogu baryi lahaa in uu  kadulqaado abaarta iyo bilo la,aanta waxaana laysla meel dhigay in masaajidda  looga qunuudo salaadaha kadib si jamaaci ah waxaana laga dareemayaa dhamaan maasaa jidda waaweeyn  duco aan kala go, lahayn taas oo  eebe loogu baryayo  in  uu kadulqaado abaarta iyo haraadka ku habsaday        walaala heen reer GEDO .

waxaa sidoo kale loo balan san yahay hadii xaaladu kasii darto in kulankan kabalaaran iyo tashi guud layskugu yimaado maa daama reer puntland horay go,aan ugu gaareen in wax walba oo dhib ah laysku tashado sidii  wadajir ah na loo waajaho wixii dhib ah  ,

NUUR JAAMAC AADAM

XAFIISKA WARFAAFINTA MU’ASASADA AL-MINHAAJ PUNTLAND