Nadwadaan oo ah tii 16aad oo xiriir ah ee kadhacda Bosaso Gaar ahaan Masjidka Al-Rowda waxaana sanadkaan ka qayb qaadanaya Qaybo kamid ah Culimada waawayn Ee Somalida Waxaana Halku dhig looga dhigay (Hagaajinta (Bulshada Waa Mas’uuliyada Wadareed) .
Waxaa caawa darsiga 1aad qaatay Caalimka Soomaaliyeed Sh Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf waxaana sheekhu sikooban uga hadlay hordhac ku saabsan mas’uuliyada guud waxaana sheekhu sidhamaystiran u qaadaadhigay Mas’uuliyada qofwalba oo muslim ah laga doonayo iyo In lays kula xisaabtamo qofkii dayaca Mas’uuliyada islamarkaana Loona nasteexeeyo qofkii dayaca.
Dhanka kale waxaa sheikh daahir Aw Cabdi Baaq Udiray Madaxda Dalka Somali Gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo waxaana uu Ugu baaqay in Dalka laga Macnuuco Mooshinka waalay dalka diinta Iyo Dadka .
Darsiga 2aad waxaa galay Sh Axmed Daahie Xasan Aw Xuseen waxana sheekhu Halkudhig uga dhigay Darsigiisa (Ahmiyada uu Leedahay Hagaajinta Qoyska ) Waxaana sheekhu Sooqaatay Nusuus diini ah waxaana sheekhu ku dheeraaday baahida looqabo in maanatay bulshadu hesho qoysas hagaag san maadaama maantay aynu aragno fitanka kusocda Sidii loo Burburin lahaa Qoyswalba oo islaam ah .
Ugu danbayn sheekhu waxaa uu kadigay dhaqan xumada ku soo badatay gudaha dalka haday tahay labiska dhalin yarada rag iyo dumar waxana sheekhu sigaar ah uga digay dhalin arada oo ku saamowday dhaqan xumada reer galbeedka .
Nuur Jaamac Aadan Alminhaaj Bosaso