+252 90 7798232 [email protected]

sheekh2

Dhalinyara Badan ayaa fariima iisoo diray eey ku sheegayaan bog cusub oo beryahan facebook iyo social networkiga laga sameeyey oo sheeganaya Soomaali kirishtaan ah iney yihiin..

Waxaan Leeyahay horta ha biqina, inshallaahu Soomaaliya Kaniisaduhu muddo ka badan 100 sano ayey isku deyayeen iney ku abuuraan Soomaali Kirishtaan ah, Laakiin kuma guulaysan ilaahay idankiisna kuma guulaysan doonaan weligood..

Dhanka kale waxaa jira buun buunin loogu tala gelayo, oo pageka dadka like garaynaya ma wada aha dad Soomaali ah, balse waa xirfad iyo dicaayad la rabo in loo tuso in dad badani raacsan yihiin, taasina xaqiiq jirta maaha..

Maaha arrinkaa macnihiisu inaan is dhiganno ama aanan ku baraarugin waxa Ummaddan Soomaaliyeed laga maagan yahay, waa wax dalkooda loo burburiyey, nasashana loogu diidan yahay ilaa iyo hadda, dibadahana loogu daadshey, laakiin Ilaahay Subxaanahu watacaalaa wuxuu ku manaystay Ummaddan Muslimka ah diinteeda iney aad u jeceshahay, Soomaaliga qaadka iyo khamrada cabba ayaa hadaad kirishtaan ku tiraahdo kaw kaaga siinaya, markaa cabsi badanna yey naga gelin waxyaaba laynagu khal khalinayo, feejignaanna ha nagu jirto qorshayaasha cadawga, wabillaahi Tawfiiq..

alminhaaj.com

somalireal.com

Sh. Maxamed Idris