+252 90 7798232 [email protected]

Boosaaso: Mu’asasada Al-minhaaj ee Dacwada iyo Horimarinta ayaa maantay dib deegaanadooda ugu celisay dad Qaxooti ah oo maalmihii u danbeeyey soo gaarayey magaaladda Boosaaso, iyadoo horayna  u siisiisey dhaqaale iyo tasiilaad ay ku tagaan gobolada  ay ka yimaadeen markii hore.

Dhaqaalahaan ay Mu’asasada Al-Minhaaj ku ambabixinayso dadkaan ayaa waxa uu qayb ka yahay daqaale ay ku dheeqeen  labada shirkadood ee ka ah: Shirkada Shamiitada ee Barwaaqo iyo Amal Group.

Tirada qaxootiga ee maantay ay la amba bixiyey ayaa gaaraya 340 qof oo isugu jiray rag carruur, dumar iyo dad da’ ah.

Dadkaan maantay dib deegaanadooda loogu celinayay ayaa 95% waxa ay ku wajahan yihiin koonfarta Soomaaliya halka inta kale ay ku wajahan yihiin magaalada Hargaysa .

Shir jaraa’id oo markii dadkaas la ambabixinayay lagu qabtay xarunta ay ku jiraan qaxootiga kasoo cararay dalka yemen ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Sh Daair Aw-cabdi isagoo u mahad celiaya Dawlada Puntland , Ganaacsatada, shacabka Puntland iyo walalaha soomaaliyeed ee dibada ka soo gurmanaayay,  wuxuu shiikhu xusay in ay ahayeen dadkii soogaaray 27dii bishaan 2600, halka ay xerada ka galeen 1326 qof , waxaana hada deegaanadoodii loo celiyay 565 qof oo ay ku jiraan kuwa maanta ay rarkooda fulinayso Mu’asasada alminhaaj .

Sheikh daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu danbayn ugu  baaqay hay’adaha  dalka jooga inay dadka usoo gurmadaan,  isagoo xusay inay wax qabteen laakiin looga baahanyahay kaalin intaa ka badan , hadii aysan kaalintooda gudanna ay ka daba tagayaan .

sheikh maxamed macalin oo isna madasha ka hadlay ayaa ugu horay u mahad naqay Shirkadaha Barwaaqo iyo Amal group oo lacagta dadka lagu rarayo ay qayb ka tahay dhaqaalahay ku deeqeen.

Sheikh oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku tilmaamay wax laga xumaado inay tahay inaysan ilaa iyo hada soo gaarin hay’aadkii islaamiga ahaa, halka ay joogaan hay’aadkii kale marka laga reebo kuwa maxaliga ah ee Puntland .

Gudoomiyaha guug ee Mu’asasada Al-minhaaj Maxamed C/laahi C/dule oo isna madasha ka hadlay ayaa ugu horayn mahad balaaran usoo jeediyay labada shirkadood ee kala ah Shirkadaha Barwaaqo iyo Amal group oo iyagu ku deeqay dhaqaalahaan dadka qaxootiga dib loogu celinayo deegaanadii ay ka yimaadeen markii hore.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Mu’asasada Al-Minhaaj mar walba ay u taagan tahay caawinta iyo ka qayb qaadashada dhibaatooyinka umadda soomaaliyeed soo wajaha  sidii wax looga qaban lahaa.

Xafiiska warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj

000 00 001 01 003 05 7 11 13 14 17 20150528_101432