Waxaa maantay lagu qabtay hoolka jaamacadda bariga Afrika xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladaan ayaa ahayd mid maalmihii lasoo dhaafayba diyaar garow geeda lagadareemayay gudaha caasimada puntland Ee garowe waxaana Mu’asasada Alminhaaj ay ku soo bandhigatay wax qabadkeedii Sanadkii tagay .
Xafladdaan ayaa kusoo beegmaysa shirweynihii 5aad ee Mu’asasada ALminhaaj ay ku kulmaan golayaasheeda kaladuwan sida
- Golaha aas aasayaasha
- Golaha Shuurada
- Golaha Fulinta
Waxaana Xafladaan kasoo qaybgalay Mas’uuliyiin Kasocotay Golayaasha Dowlada Puntlan waxaana Hogaaminayay Madax weyne Kuxigeenka Eng C/xakiim X Cumar Camay Wasiiro Xildhibaanno Culima Awdiin Ka Gobolka Isimada Dhaqanka Ganacsato Siyaasiyiin Kaladuwan .
Waxaana Shirka kalimad Wacdi ah Kufuray Sh.Maxamud Xaaji Yuusuf Isagoo guud ahaan bulshadana ugu dardaarmay Alle Kacabsi Iyo In Bulshada lagaarsiiyo Khayrka intaas kadib Gudoomiyaha Guud Ee Mu’asasada Alminhaaj Sh.Maxamed C/laahi Cabdulle ayaa goobta kusoo bandhigay Vedio Gatarjumaya wax qabadkii mudadii ay xilka hayeen Flimkaas oo Bulshadii daawatay ay ladhaceen waxqabadka baaxadaas le,eg Ee Mu’asasadu gaartay.
Iyadoo dhankakalana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadashay ay balan qaadeen in ay sidhow ula shaqaynayaan Mu’asasada Alminhaaj.
Culimadii goobta kahadashay waxaa kamid ahaa
- Sh Daahir Awcabdi Aw yuusuf
- Maxamed Godane Xoosh
- Gudoomiyaha Golaha Fulinta Jamaacada Al-Ictisaam Sh.Axmed Cabdi Samad
Waxayna dhamaan qireen In Maamulka hada talada haya ee Mu’asasada ALminhaaj Ay Gaareen Guulo Lataaban karo waxayna Bulshada Kuladardaarmeen in lagawada Shaqeeyo Dacwada Cid Gooni ah na aysan U oolin ee ay tahay wax lagarabo qofwalba Oo Muslim ah.
Waxaa isna goobjoog ahaa Xafladaan Maxamed Cali Ameeriko Waxana uu bulshada Tusaaleeyay hadii sidaas loo wada shaqeeyo waxaa lagaarayaa guulo waaweyn waxaana dhankiisa uu Al-Minhaaj Ku amaanay shaqadaan qiimahabadan ee Ay Bulshada U hayso
Mu’asasada Alminhaaj ayaa shahaadooyin Sharaf Gudoon siisay Dadkaladuwan Oo ay kamid ahaayeen Shirkadaha Ganacsiga ,Culima Awdiin ka , Jamaacada Al-Ictisaam , Ururada Ardayda ,Iyo Xubno kale ,
Intaas kadib waxaa Xaflada Soo Xiray Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Eng C/xakiim X Cumar Camay waxaana uu siiyay Mu’asasada ALminhaaj Dardaaran Isagoo dhanka kalena sheegay In uu Isagu Hada Wixii Laga Bilaabo Uu kamid yahay Mu’asasada Al-minhaaj Awalna uu si dhow ula shaqayn jiray Mu’asasada Alminhaaj waxaana uu ku amaanay Shaqada baaxada weyn ee ay soo bandhigeen Maantay waxaana uu qiray Eng Camay In ay og yihiin Xukuumad ahaan Qaybta Muga leh ay kaga jiraan Bulshada ,
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahin Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland