+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asada Al Minhaaj Faraca Bari gaar ahaan xafiiska tababarka iyo hormarinta  oo Maanta Soo   Afmeertay Dowro Saddex Maalmood ka Socotay Hoolka Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaso.

Dowradan oo Loo Qabtay Dumarka ducaada ah ee Munadamada Kowsar iyo Macalimiinta Madaarista.

Tababarkan oo socday mudo sadex maalmood ah ayaa waxaa ka faaidaystay gabdho ducaad ah oo tiradoodu ahayd 47 ducaad .

Dowradan oo Nooceeda oo kale aan Horey Loogu Qabanin Dumarka Ducaada ah  ayaa Waxa Lagu qaatay Duruus kala duwan oo Dhammantood Khusaysa Arimaha Iyo Waajibadka dacwadeed ee Looga Baahan yahay Dumatka Ducaada ah

Waxaana  bixiyey casharada laguqaadanayey tababarkan Qaar ka Mid ah Culimo iyo Aqoonyahano takhasus uleh madooyinkaas.

Gabagabadii Dowrada ayaa Waxaa Kaso Qayb Galay qaar ka mid ah   Culimada ‘Ganacsatada iyo maamulka mu’asasada alminhaaj. Waxana ka Mid ahaa dadkii kasoo qayb galay  Sheikh  Axmed Dahir xasan ,Sheikh Faarax Cajab  , Ganacsade Yaasiin Mohamud Cali cukaashe  Iyo Marti Sharaf kale.

Ugu Damayntii munaasabadaTababarka lagu soo xiraryey

ayaa Mu’asasda   Al Minhaaj U Qaybisay Dumarka Ducaada shahaadooyin .

tababarkan ayaa wuxuu ku soo gabagabobay jawi aad u wanaagsan.

IMG_20160323_101519 - Copy IMG_20160323_103737 - Copy IMG_20160323_104336 - Copy IMG-20160324-WA0012 - Copy IMG-20160324-WA0013 IMG-20160324-WA0017 - Copy IMG-20160324-WA0020 - Copy IMG-20160324-WA0029 IMG-20160324-WA0033 - Copy IMG_20160322_060625 - Copy IMG_20160322_060627 - Copy IMG_20160322_072356 - Copy IMG_20160322_072413 - Copy