+252 90 7798232 [email protected]

Saaka oo taariikhdu tahay 4ta ramadaan oo ku beegan 21/6/2015 ayey Mu’assasadu u qabatay guud ahaan ardooyinka dugsiyada sare, macaahida Shareecada iyo jaamacahada ee magaalada Galdogob siminaar lagu baranayo shareecada islaamka laguna daraaseenayo 4 kitaab oo ka kooban funuun kala duwan.
Dawradaas oo socon doonta mudo labo usbuuc ah ayaa kamid ah nashaadaadka dacwo oo Mu’assasadu ugu talo gashay fasaxa xagaaga inay uga faaiidayso ardayda fasaxyada ku jirta ee deegaanka iyo sidoo kale kuwa gobolada kale ka yimid.
Siminaarkaan ayaa casharadiisa waxaa bixinaya culumo ku xeel shareecada islaamka, waxaana ka faaiidaysan doona oo kasoo qaybgalay ku dhawaad 190 arday

20150621_094318 20150621_094339 20150621_094346 20150621_094414 20150621_094433 20150621_103340 20150621_103345