+252 90 7798232 [email protected]

shalay oo eheed maalin jimcaad kuna beegneed 18.11.017 waxay mu’asasadu Al.minhaah(Mudug) ay soo abaabushay kulan ay magaceeda ku xardhatay “Dacwo iyo Dalxiis” ayay isugu yeertay dhamaan qaybaha ay mu’asasadu gaartay ee gobolka mudug xubnihiisa fulinta iyadoo ay kulan ugu qabatay meel banaanka ka ah magaalada xarfo.

Kasooqaybgalayaasha.

1.Galkacyo    2.goldogob   3.bursaalax    4.xarfo   5.bacaadwayn  6.cagaaran.

isbarasho guud kadib waxaa lasoo jeediyay kalmado aad u muhiim ahaa oo kala ahaa.

1.qiyaada. 2.idaarah.  3.walaaltinimada iyo mireheeda.              4.dood cilmiyeed kala duwan oo lagu lafagurayay  dhawr qodob oo ay kamid yihiin: sidee looga faa’iidaysan karaa dadka aan xarakada kuqanacsaneen balse dacwada aan diidaneen?

sidookale intaas waxaa daba socotay nashaadaad kala gadisan sida jimicsi kaftan iyo buuro fuul .

kadib wada qadayn iyo siiwadida kalmadaha iyo dhiirigalinta iyo tukashada salaada duhur waxay ducaadu u dareereen hurdo iyo shirar gooni gooni ah mudadii lamudeeyay kadibna waxaa laysugu soolaabtay dhamaystirka hawlihii dhimanaa iyo gudashada salaada casar .

23754836_1658680824184352_688355394881418490_n23658741_1658680954184339_5945343148102121159_n

wixii salaada casar kadambeeyayna waxaa lagalay gabo gabadii barnaamijka iyo kalmado dardaaran ah oo dhamaan xubnuhu ay iswaydaarsadeen iyadoo uu sooxiray barnaamijka gudoomiyuha Al-minhaaj(mudug) cawil axmed muumin isagoo kusoo gunaanaday barnaamijka walaaleenta 6magaalo oo kasoo qayb galay barnaamijka isagoo isugu xiray labo labo magaalo.

intaas kadib waxaa loodareeray deegaanadii awal laga soo kicitimay iyagoo ragu wada faraxsan.

Hooska Daawo Muuqaal Qiimo Badan Xambaarsan .

Madaxa warfaafinta iyo xiriirka Dagmooyinka:-Axmed Maxamed Xirsi(faratooyo)