Waxaa galabtay oo taariikdu tahay 02/09\1436 oo ku beegan 17/08\2015 Mu’asasada Alminhaaj Gabolka Nugaal ay ku daah furtay Xarun cusub oo lagu baranayo Qur’aanka kariimkaa iyo Wixii Laxiriira Culuumta Shareecada Islaamka .
Xaruntaan oo lagu magacaabo Madarasada C/kariim Bin Salaama Ee Xifdinta Qur’aanka Kariimkaa ayaa kamid Xarumaha Lagu Barto Diinteena Islaamka Ee ay Kacanta ku Hayso Mu’asasada Al-Minhaj Dacwada Iyo Horumarinta Bulshada.
Waxaana Xafladaan Ugu Horayntiiba Furitaankeeda lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana sheekhu ladardaarmay dhamaan macalimiinta iyo maamulka madarasada waxana uu ku dhiiri galiyay in ay gutaan waajibka kasaaran jiilkaan yaryar ee ay gacan ta kuhayaan Tarabiyadooda iyo Wax barashadooda isagoo ku ad keeyay in ardayda qur’aanka kaliya aan labarin ee labaro macnihiisa .
waxaa kaloo isna dhan kiisa kahadlay Sh Dalmar Guureeye Gaarshe Oo ah Gudoomiyaha Golaha shuurada Alminhaaj Gobolka nugaal waxaan uu u mahadceliyay sheekh cabdi kariim binsalaama oo ah ninkii dhisay masjidka Iyo Madarasada
Isku Soo wada duuboo dhamaan mas uuliyiintii Xafladda Kahadashay ayaa Bogaadiyay Goobtaan khayrka badan islamarkaana u mahadceliyay Cidwalba oo ka qayb qaadatay Hirgalinta Goobtaan khayr
Hoos ka dhagayso Cod kii Mas’uu liyiinta