Mu’asasada Alminhaaj xafiiskeeda Gobolka Nugaal oo mudooyinkii danbe waday olole ay guud ahaan bulshada uga digayso khataro badan ayaa maantay wacdi usoo jeedisay Asgarta Saraakiisha Iyo Maxaabiista Xabsiga weyn ee Garowe .
Ma ahan kulan kaani kii ugu horeeyay balse waxaa marar badan booqda maxaabiista kuxiray xabsiga weyn ee Magaalada Garowe Culimado Ay Hogaaminayso Mu’asasada Alminhaaj waxaana loogu deeqay hada kahor qalabka farsamada gacanta Kitaab ay kabartaan Diinta Islaamka Iyo Agabkaloo lamid ah.
Waxaana saakay muxaadaro kahadlaysa mas’uuliyada saran asgariga halkaas kasoo jeedshay Sh.Maxamed Axmed Faarax(Dabiixi) waxaana Sheekhu kudheeraaday muhiimadda ay leedahay in asgarigu dareemo xilka kasaaran bulshadiisa iyo diintiisa.
Sheekha ayaa intaas kadib lahadlay maxaabiistii kuxirnayd jeelka isagoo udardaarmay in aysan kunoqon wixii xumaa ee loosooxiray islamarkaana aysan intabalwada iska daysay aysan dib ugu laaban Cunida Iyo Cabida Maandooriyaha.
Ugu danbayntii waxaa maamulka Xabsigu Uga mahadceliyay Muxaadaraatkaan Qiimaha badan Oo Mu’asasada Alminhaaj Aysoo Gaarsiisay Maxaabiista Iyo Asgarta Asluubta.
Nuur Jaamac Aadan Xafiska Warbaahinta Mu’Asasada Al-Minhaaj Puntland