+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Alminhaaj Farceeda Gobolka Nugaak Ayaa Maantay oo taariikhdu tahay 29/05/2017 waxay 190 qoys oo dan yar ah raashin ugu qaybisay magaalada Garowe raashinkaan oo ka koobnaa /Bur/Bariis/Sonkor /Timir Iyo Waliba saliid.

Waa Sanadkii 4aad oo sidaan oo kale Mu’asasada Al-Minhaaj Gobalka Nugaal Gaarsiiso Raashin Boqolaal Qoys  oo aan  haysan waxay ku afuraan Mu’asasada ayaa Mashruucaan Balaaran ugu Magacadartay Taakulo (Kiilo Bixi Aan Isku Filaansho Gaarnee) waana Olole Dadka wax haysta Looga soo aruurinayo raashin kadibna lagaarsiinao Dadka aan awoodin in ay Helaan waxay Ku afuraan .

Ugu Horanba Goobta ay kadhacaysay Qabinta Raashinku waxaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa Kasoojeedshay ShMukhtaar Axmed Oo Ah Gudoomiyaha Fulinta Alminhaaj Nugaal waxaana sheekhu U mahad celiyay Dhamaan dadkii deeqdaan ku deeqay Iyo Dadkii Soo Aruurshay Waxaana uu raacshay In danta ay kaleedahay Mu’asasadu ay tahay in dadku Isku tashadaan Oo Isqaataan .

Waxaa isna Dhankiisa Soo dhaweeyay Mashruucaan Balaaran  Sh Dalmar Guureye waxaana uu Minhaaj Ku booriyay in ay siiwadaan dadaalkooda ay ay bulshada kugarab taagan yihiin .

Ugu Danbayn waxaa xaflada soo Xiray Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Degmada Garowe waxaana uu xusay in Mu’asasadu Kaalinta ay kujirto marna la ilaawi karin waxaana uu balan qaaday in ay sidhow u lashaqaynayaan Mu’asasada Al-Minhaaj ayna ku faraxsan yihiin dadaalkaan balaaran.

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj

DSC_0073 DSC_0075 DSC_0077 DSC_0079 DSC_0080 DSC_0082 DSC_0083 DSC_0084 DSC_0086 DSC_0087 DSC_0088 DSC_0089 DSC_0090 DSC_0092 DSC_0093 DSC_0096 DSC_0098 IMG_20170529_094453 IMG_20170529_094455 IMG_20170529_090421382 IMG_20170529_092151253 IMG_20170529_092917363 IMG_20170529_094106239