+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maantay  magalada garowe loogu qaybiyay Deeq rashin qoysas danyar ah oo toradoodu gaarayso 2000 oo Qoys waxaana deeq daan ay katimid ( Haayadda Ugargaarka Soomaliya ) Oo lagaleeyahay Wadanka Sucuudi ga waxayna usoo arsiisay Mu’asasada Al-Minhaaj .

Waxaana halkaas kasoo qayb galay Mas’uuliyiinta gobolka Nugaal Culima Awdiin ,Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal ,Iyo  Dadkii Deeqda Lagudoon Siinayay.

Waxaana  ugu horayntiiba Xaflada Furay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw Axmed waxaana uu dowlada sucuudiga uga mahad celiyay deeqdaan  qiimahabadan waxaana uu Illaah Ugabaryay In Ajar Uu kasiiyo waxaana uu kacodsaday  in ay Deeqdaani ay ahaato Tii Ugu horaysan Balse aysan Noqon Tii ugu danbaysay waxaana baaq ujeediyay dhamaan hayadahaan oo kale in ay ay Casimada Puntland Iyo Guud ahaan Dalka Puntland Ay Ufuran  Tahay.

Waxaa isna dhan kiisa kahadlay Gudoomiyaha Hayada Suurta Galisay Qaybinta Iyo Diyaarin guud ahaan Deqdaan Ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Sh ,Mukhtaar Axmed Faarax oo Ku dheeraaday In Mu’asasadu Waqti Dheer Ku bixisay Sidii Loo gaarsiin lahaa dadka Jilicsan waxay cunaan waxaana uu mahadcelin usoo jeedshay guud ahaan Dadka iyo Dowladda Sucuudiga  ee aan walaalaha nahay .

Waxaana ugu danbayn tii Goobta kahadlay Wakiilka Kasocday dowlada Sucuudiga  oo lagu magacaabo Sacad Muhanad Asuwedi  waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin amaanka iyo dalka puntland iyo waliba sida sharafta leh ee loogu soodhaweeyay waxaana uu dhan kiisa balan qaaday in Deeqdaan aysan noqon doonin Tii ugu danbaysay balse ay soonoqon  doonaan In badan .

Nuur Jaamac Adan

Xafiska warbaahin Al-Minhaaj Puntland 

vlcsnap-2015-08-08-04h52m04s912 vlcsnap-2015-08-08-04h52m33s982 vlcsnap-2015-08-08-04h52m48s179 vlcsnap-2015-08-08-04h53m04s893 vlcsnap-2015-08-08-04h53m40s275 vlcsnap-2015-08-08-04h53m57s479 vlcsnap-2015-08-08-04h54m04s422 vlcsnap-2015-08-08-04h54m19s400 vlcsnap-2015-08-08-04h54m28s796 vlcsnap-2015-08-08-04h54m42s378 vlcsnap-2015-08-08-04h54m48s646 vlcsnap-2015-08-08-04h55m06s192 vlcsnap-2015-08-08-04h55m09s487 vlcsnap-2015-08-08-04h55m21s877 vlcsnap-2015-08-08-04h55m25s819 vlcsnap-2015-08-08-04h55m35s649