+252 90 7798232 [email protected]

Tartaan oo soo bilowday  Bilowgii Bisha April /2017Waxaa uu qabsoomayay Todobaad walba Jimcaha Iyo Khamiista Waxaana Ay isku gu  Beegmayeen Batiyaa nasiib sida ay xaqiijiyeen Gudiga Tartan kaan Maamulayay.

Waxaana Xaflada Kasoo qayb galay Wasir Kuxigeenka wasaarada Wax barashada Dr Maxamed Cali Faarax /Gudoonka waxbarshada  G/Nugaal  Xaashi /Agasimaha Waxda Arimaha Diinta Wasarada Cadaalada Ismaaciil /Madaxda Sare Ee Mu’asasada Al-Minhaaj Nugaal  Isimada Dhaqanka Iyo Marti Sharaf Kaloo Badan .[nggallery id=52]

Tartankaan oo soo maray Marxalado Kaladuwan Ku waas oo ardaydii Kaqaybgashay Ay Kamuuqatay Diyaar Garow Dhamays Tiran Sidii ay Kooxwalba u hanan lahayd Kaalinta 1-aad ee tartan Aqooneedka.

Tartankaa oo kaduwanaa kuwii Horay Mu’asasadu U qaban Jirtay Waxaa dhamaan ardaydii kaqayb galaysay loo qaybshay Kutubtii Su’aaluhu Kaga Imaanlahaayeen Kuwaas Oo Ahaa Xifdis Sida .

  • Dugsiyada sare In ay Soo Xifdiyaan 100 Xadiis/Tobanka Jus Ee Qur’aanka Ugu Hooseeya/Kitaab Caqiido ah
  • Dugsiyada Dhexe In ay Soo Xifdiyaan 50 Xadiis /5ta Jus Ee Ugu Hoseya Qur’anka /Kitaab Caqiido Ah.

Ugu Danbayntii Dugsiyada Sare Waxaa Kaalinta 1-aad Galay Mac-Hadka Khadiija Kaalinta Labaad Waxaa Galay Nugaal

Dugsiyada Dhexe waxaa Kaalinta 1-aad galay Alxikma Kaalinta Labaad Waxaa Galay Daarul Qalam.

Dhamaan Madaxdii Xafladda kahadashay waxaay amaaneen Cidii Soo agaasintay Shaqadaan qiimaha badan oo lafilayo in Isbedel aqoomeed oo deg deg ah Laga Filayo Ardaydii qaadatay Cilmigaan diiniga ah.

Nuur Jaamac

Minhaaj Media