Waxaa saakay Shir saxaafadeed Culimaddu kusoo Bandhigaysay haogaanka cusub Ee Ay yeelatay Mu,asasada Alminhaaj Dacwadda Iyo hurumarinta Ee Puntland Shirsaxaafadeedkaan oo ay kasooqaybgaleen Culimo badan oo can ka ah Somaliya .
Waxaa ugu Horayntiiba shirka lagusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudiga Aasaasayaasha Minhaaj Sh.Maxamuud Xaji Yuusuf Sheekha Ayaa kudheeraaday talooyin uusiinayay maamulka Cusub Ee xilka loodhiibay waxaana sheekhu kutilmamaay xilkaan in uuyahay mas Uuliyad aad Uadag waxana larabaa in loodhabar adeego Mas,uuliyadaan .
Waxaa intaas kadib lagusoo dhaweeyay Sh.C/risaaq Mire Gaataa Oo Halkaas Ka akhriyay war murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Mu,assada Al-Minhaaj labadii maalmood ee lasoodhaafay ugasocday Caasimada Puntland Ee Garowe Kulamadaan Oo soomaray marxalado kaladuwan maadaama Culimaddu Kadoodayeed balqofkii Masuuliyadaan Aadag Umada Uhaynkara , waxaa kaloo Kamid ahaa warmurtiyeedka baaqloosoo jeediyay dhamaan umadda soomaliyeed looguna baaqay kudhaqanka iyo barashadda kitaabka allaah Kitaabkuna ayhay Kan kaliya Ee lagu badbaadayo. Waxaana sidookale guud ahaan umada looga digay isticmaalka maandooriyaha noocwalba uu yahya .waxaa kaloo kamid ahaa baaqa manatay Culimadu soo saareen in la adkeeyo midnimada iyo in la ilaasho amniga waxaana uu kudhawaaqay raga cusub ee loodoortay Hogaanka cusub ee minhaaj waxaana gudoomiye loodoora tay Sh.Maxamed Cabdullahi Cabdille Sidookale waxaa kuxigeen loodooratay Ciise Siciid Maxamed . Waxaana lagusoo daheeyay Gudoomiyihii Hore ee Mu,asasada Al-Minhaaj Sh.Mamed Maxamuud Ciise waxaana uu cadeeyay in hogaanka cusub uuyahya midkasoobixikara masuuliyadaan adag ee loo idmaday waxaana uu dhan kiisa balanqaaday in ay lashaqayn doonaaan waxaana uu kusoodhaweeyay makarafoonka gudoomiyaha cusub ee loodooratay hogaanka Mu,asasada Al-Minhaaj Sh.Maxamed Cabdullahi Cabdille waxaana uusheegay gudoomiyaha cusubi in uu xiriirkiijiray meshiisii kasiiwadi doono islamarkaana samayn doono saaxiibo cusub waxaa kaloo uu balanqaaday in Maamulka Minhaaj uu baahin doono islamarkaan gaarsiin doono meelaha laamiga kafog .
Waxa gaba gabadii sooxiray Gudoomiyaha Golaha Fulinta Jamacada Al-Ictisaam Bilkitaabi Wa sunah Sh.Axmed Cabdi Samad waxaana sheekhu Ladardaarmay Maamulka cusub iyo kii hore waxaana uu mamulka cusub ugabaqay in ay miijiyaan dulqaad iyo howl karnimo waxaana sidookale uu baaq nabadeed udiray beelaha soomaliyeed ee dagaalku kudhaxmarayo Gobalada dhexe Ee soomaaliya waxaana uu kacadsaday in ay joojiyaan dhiiga daadanaya .
Nuur Jaamac Aadan Xafiiska Warbaahinta Mu,asasada Alminhaaj Puntland