+252 90 7798232 [email protected]

Waxa maantay ka dhacday markazka way nee Al-Rowda ee magaalada boosaaso xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagusoo afmeerayay dowro lagu tababarayay dumarka ducaada ah ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada ee magaalada boosaaso, sida dugsiyada quraanka , iskuulada iyo macaahida.

Dowradan maantay lagusoo gabagabeeyay magaalada boosaaso , gaar ahaan Markazka Al-Rowda oo socotay mudo laba isbuuc ah, ayaa  waxa isku soo duba riday Mu’asasda Al-Minhaaj ee Dacwada Iyo Horimarinta Qaybta gobolka bari, iyadoo ula jeedadka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa tayada macalimiinta ka shaqeeya goobaha waxbarshada, gaar ahaan macalimiinta dumarka ah oo aan helin tababaro noocaas oo kala ah.

Xafladan lagu soo afmeeray dowrada  ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle , Madaxa xafiiska arimaha bulshada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Maxamuud Diiriye Cumar, Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye, iyo ardaydii tababarka dhamaysatay.

Madaxa xafiiska arimaha bulshada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Maxamuud Diiriye Cumar oo ugu horayn Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradaan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani  oo mudo laba isbuuc ah socotay  loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee macalimiinta dumarka ah ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay ayaa ugu horayn uga mahad celiyay maamulka mu’asasada qaybta gobolka bari tababarkaan wax ku oolka ah ee ay u qabteen macalimiinta gabdhaha ah.

Mr Maxamed C/laahi oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale ugu baaqay macalimiintii qaadatay dowradaan inay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen,  sidoo kalana ay kula laabtaan goobahay wax ka dhigayeen iyo ardaydoodi  si ay ubaraati gareeyaan waxay barteen.

Gabagabadii xaflada ayaa Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle iyo, Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye   waxa ay si wada jir ah ugudoonsiiyeen shahaado kasoo qayb gal dhamaan macalimiintii dhamaysatay dowrada.

Isku soo wada duuboo Dawradan ayaa waxa ay qayb ka  noqonaysaa hawlaha  dacwo iyo horumarineed ee mu’ssasada  minhaaj ay kawaddo gobolllada Puntland si loo helo bulsho dhinac walba ka dhisan.

3 4 5 6 10 11  13 14