+252 90 7798232 [email protected]

Waxa maantay ka dhacday markazka wayn ee Al-Rowda ee magaalada boosaaso xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagusoo afmeerayay dowro lagu tababarayay Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada sare  ee magaalada boosaaso..

Dowradan maantay lagusoo gabagabeeyay magaalada boosaaso , gaar ahaan Markazka Al-Rowda oo socotay mudo afar maalmood ah, ayaa  waxa isku soo duba riday Mu’asasda Al-Minhaaj ee Dacwada Iyo Horimarinta Qaybta gobolka bari, iyadoo ula jeedadka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda.

Waxaana ka mid ahaa duruusta ay ardadu ku qaateen dowradan:

  • “Akhlaaqda wanaagsan iyo alla ka baqa” waxaana soo jeediyay: Sh Maxamed Macalin Axmed.
  • “Ahmiyada ay leedahay shaqa wadareedku ” waxaana soo jeediyay: Dr Xasan Mahdi
  • “Xarakaadka Dacawiga ah ee Soomaaliaya ka jira” waxaana soo jeediyay: Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur
  • “Kooxaha Afkaarta Leexsan Wata , sida Suufiya, Takfiirka iyo Shiicada” waxaana soo jeediyay: Dr Xasan Mahdi
  • “Ku Qancida Wadanka Waxbarasho Iyo Shaqa” waxaana soo jeediyay: Ustaad Maxamuud Sh cusmaan
  • “Habka Baxsiga loo Qoro” waxaana soo jeediyay: Dr Uways Xaaji C/laahi

Xafladan lagu soo afmeeray dowradan  ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle , iyo ku xigeenkiisa Ustaad Ciise Siciid Maxamed ,Hormuudka Kuliyada Shareecada Jaamacada Bariga AfrikaUstaad  Jaamac Maxamed Xasan, Gudoomiaha Dalada Waxbarashada ahliga ah Ee PEN  Ustaad Maxamed Faahiye Ciise , Madaxa Akaadimiya Al- Islaamiya Ee Culuumta Hogaaminta Ustaad Maxamuud Sh Cusmaan, Abwaan Maxamed C/raxmaan Ciise, Gudoomiye ku xigeenka  Mu’asasada Al-minhaaj Qaybta Gobolka Bari Ustaad C/raxmaan Aw-ciise Muuse , Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye, Aqoonyahano iyo ardaydii tababarka dhamaysatay.

Gudoomiye ku xigeenka guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Ciise Siciid Maxamed oo ugu horayn Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradaan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani  oo mudo laba isbuuc ah socotay  loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee ardayda dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso.

Mr Ciise  oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale ugu baaqay Ardaydii  qaadatay dowradaan inay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen,  sidoo kalana ay kula laabtaan goobahay wax ka baranayeen si ay ubaraati gareeyaan waxay barteen.

IMG_1819IMG_1825

Gudoomiaha Dalada Waxbarashada ahliga ah Ee PEN  Ustaad Maxamed Faahiye Ciise oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu horayn u mahad celiyay maamulka mu’asasada Al-minhaaj qaybta gobolka bari tababarkaan wax ku oolka ah ee ay u qabteen Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada sare, sidoo kalana kula dardaarmay ardaydii dowrada dhamaysatay inay waxay barteen asxaabtooda kula noqdaan , ayna fuliyaan.

Madaxa Akaadimiya Al- Islaamiya Ee Culuumta Hogaaminta Ustaad Maxamuud Sh Cusmaan oona ka mid ahaa macalimiintii dowradan wax ka bixinaysay, oo isna madasha ka hadlay ayaa isna kula dardaarmay ardaydii dowrada qaadatay inay ku dhaqmaan waxay barteen, bulshadoodana usii gudbiyaan.

Abwaan Maxamed C/raxmaan Ciise oo isna hadalka qaatay ayaa madasha ka tiriyay Gabay aad usoo jiitay dhamaan kazoo qayb galayaashii xaflada , isagoona gabaygiisa ugu mahadnaqaayo mu’asasada Al-minhaaj barnaamijtaan wax ku oolka ah ee ay bulshada ku horimarinayso, sidoo kalena wuxuu abwaanku la dardaarmay ardaydii dowrada dhamaysatay, isagoona ugadigay waxyaabo ay ka mid ahaayeen tahriibka, dhaqan xumada.

 

Gabagabadii xaflada ayaa hadalka waxa qaatay Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye , isagoona ku dhawaaqay nataa,ijtii ay kala heleen kooxii ardada ahaa ee dowrada dhamaystay, kadib markay soo bandhigeen cilmi baarisyoiyo  gabayo loo diray ianay soo diyaariyaan.

Intaas ka dib Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle iyo, Hormuudka Kuliyada Shareecada Jaamacada Bariga Afrika Jaamac Maxamed Xasan, Gudoomiaha Dalada Waxbarashada ahliga ah Ee PEN  Ustaad Maxamed Faahiye Ciise , Madaxa Akaadimiya Al- Islaamiya Ee Culuumta Hogaaminta Ustaad Maxamuud Sh Cusmaan ,  ayaa waxa ay siwada jir ah u gudoonsiiyeen  sadaxdii kooxood ee ugu saraysay abaal marino , iyagoona sidoo kale gudoonsiiyay dhamaan ardaydii kasoo qayb gashay dowradan shahaadooyin ka qayb galis tababar.

Isku soo wada duuboo Dawradan ayaa waxa ay qayb ka  noqonaysaa hawlaha  dacwo iyo horumarineed ee mu’ssasada  minhaaj ay kawaddo gobolllada Puntland si loo helo bulsho dhinac walba ka dhisan.

 

IMG_1802 IMG_1809 IMG_1812  IMG_1821  IMG_1827 IMG_1828 IMG_1835 IMG_1839 IMG_1847 IMG_1851 IMG_1858 IMG_1865 IMG_1868 IMG_1873IMG_1732IMG_1737