Caawa oo taariikhdu tahay 06/11/2017 ayaa waxa si rasmiya loogu daahfuray darsiga Tafsiirka qur’aanka kariimkaa oo uu akhrin doono Fadiilatu Sheekh C/wali Nuux Muse Masjidka Jaamica Galdogo
Xafladda Tafsiirka lagu daahfurayay ayaa waxaa kalmado muhiima oo dardaaran iyo dhiiri-galin iskugu jira kasoo jeediyay Sheekh Mahad C/Laahi Maxamed oo ah sheekhu baladka magaalada ahna sheekhi horay u akhrinayay tafsiirka kana dhameeyay 10 naan jeer. Shekh Xasan Daahir Cabdi, Sh. Nuur Daahir C/laahi iyo Gudoomiyaha Mu’asasada Al_minhaaj Sh. Farxan Axmed C/laahi waxaana soo xiray xafladda Sh. C/wali Nux Muse oo ka sheekeeyay qaab akhriskiisa inta uu socdo darsigu.
Arimaha dheeraadka ku ah darsiga Tafsiirka.
- Ardo qoran oo 150 arday gaaraysa oo diyaar u ah imitixaan iyo la xisaabtan oo aysan ku jirin bulsho waynta ka faa’iidaysanaysa.
- Casharkaan Tafsiirka qur’aanka waa laduubayaa, Waxaana duubistiisa kafaalo qaaday idacadda Al-xikma ee qur’aanka kariimka .
- Darsigaan waxa uu yeelan donaa imtixaano abaalmarin leh Insha’Allaah.
- Waxaa qorshaysan hadii Alle idmo in Darsigaan uu halsano socdo.
- Habaynkii waa halmaqro oo shanta habaynba soconaya.
Maktabka iclaamka ee Mu’asasada Al-minhaaj Galdogob.