Wacyigalintaan ay bilowday Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal ayaa imaanaysa Xili Bulshadu baahiweyn u qabtay in ay hesho wacyi galin balaaran maadaama ay waqtiyadii danbe soobadanaysay arimo badan oo halis ku ah jiritaanka bulshada dhanwalba .
Wacyi galintaan oo kaduwan kuwii horay masjidka Al-Huda lagu qaban jiray waxaa lagu martiqaadaa Culimo Iyo aqoonyahan kala duwan .
Barnaamijkaan oo Mu’asasada Al-Minhaaj Halkudhig uga dhigtay (Wacyi-Galinta Bulshada ) waxaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay marti ku ahaa Dhakhtarka dawaynta iyo qaliinka indhaha ee Dr Cabdi Casiis Cabdi Faarax isagoo drku boqolaal dadwayna ah lawadaagay (dareenka araga iyo daryeelkiisa ) Waxaana dr Cabdi Casiis ku dheeraaday isha iyo ah miyadda ay u leedahay noolaha sigaara waxaa uu Drku ku dheeraaday in allah looga mahadceliyo lana ilaasho nicmaas wayn oo ah mid aan lasoo koobi Karin hadii laga sheekeeyo waxtarkeeda .
Dhanka kale waxaa uu kadigay in nicmaas Allah inasiiyay loo adeegsado wuxuusan raali ka ahayn kadib markii uu dhameeyay darsigii 1aad oo qaatay halsaac waxaa bulshadii kusugnayd masjidka Al-Huda ay soo waydiiyeen Su’aalo la xiriira Mowduuca Indhaha waxaana drku kasiiyay Talo Bixin waafi ah iyo dardaaran qiimo badan.
Dhamaan Bulshadii Kusugnayd masjidka AL-Huda Iyo Kuwa Sida Tooskaa uga dhagaysanayay warbaahinta Ayaa soodhaweeyay wacyigalintaan waxayna Al-Minhaaj ugu baaqeen in lasii wado .
Hooska daawo Dhamaan