Shir jaraa id oo ay siwada jir ah uqabteen gudoomiyihii gurmadka sheikh maxamuud xaaji yuusuf iyo gudoomiyaha fulinta Mu,asasada alminhaaj faraceeda gobolka nugaal Sheekh mukhtaar axmed faarax . Waxay kusoo bandhigeen mu,asasada almnhaaj oo culimo udirtay goobihii ay kadhacday daadadkii duufaantii hayaan iyo magaalooyin kaloo ka agdhow , Culimadaan oo in tooda badan kayimaadeen machadka Al furqaan ee magaalda laascaanood machadkaa oo sheekh Caabdi naasir xaaji illaah haxifdiiyee uu gacanta kuhayo ayaa ukala anbabaxay tuulooyin dhowr ah kuwaas oo loogu talagalay in ay diinta baraan dadkii ay saamaysay duufaantu waxaana uguhoraynba shirka jaraa id kahadlay sheikh maxamuud xaajiyuusuf oo uhanbalyeeyay culimada dadka bari doona diinta iyo Alminhaaj oo dhaxda uxiratay in ay umada diintooda iyo aduunkoodaba garabtaagnaato waxaana sheekhu dhamaan illah ugabaryay in ay illaah usahlo howsha adage e ay dhabarka saarteen . Waxaa isna goobta kahadlay Gudomiyaha golaha fulinta Mu,asasada al minhaaj Gobolka nugaal sheikh mukhtaar axmed faarax waxaana uu cadeeyay in ay diyaariyeen inka badan 12 mucalim oo guud ahaan baridoona bulashada ay utagayaan diinta islaamka iyo waxyaabaha aa saasigaa waxaana kamida meelaha culimada loo qorsheeyay in ay tagaan (1) Qarxis 2 baarweyn 3 budunbuto 4 Eyl 5 Xaaji khayr 6 dhuun 7 kabaal iyo meelakaloo ka agdhow waxaayna soconaysaa waxbarashadaani mudo dhan labasano waxaana loogu talagalay in ay mudadaas soo baxaan dadyaqaan diintooda umadana gaar siiya waxaana isla goobta lagu macasalaameeyay 7 sheekh oo ukala an babixidoona meelihii loogu talagalay midkamida culimada oo goobta kahadlay ayaa sheegay waxaan si aada ugu faraxsanahay in aan umada gaar siino diinta allah gudanana waajibkii allah nasaaray ,