+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Al-Minhaaj Dacwada iyo Horamarinta  ayaa ku wareejisay Xabsiga dhexe ee Bosaso qalab isugu jira 12 makiinadaha Harqaanka, Makiinadaha Bulkeetiga iyo makiinadaha Alwaaxda, Waxaana qalabkan loogu talagalay sidii maxaabiista ku jirta xabsiga Bosaso loo bari xirfadaha kala duwan ee gacanta

Munaasabad Kooban oo lagu qabtay xabsiga dhexe oo lagu wareejinayay Qalabkan waxaa ka qaybgalay Guddoomiye k/xigeenka gobolka Bari Axmed cabdullaahi Ciro, Duqa degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud, Guddoomiyaha mu’asasada Al-minhaah Maxamed Cabdullaahi iyo taliyaha Xabsiga Bosaso Shire Siciid Maxamed .

Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Mihaaj  Maxamed Cabdullaahi oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Qalabkan loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan Maxaabiista iyo askarta ilaalisa xabsiga Bosaso.Waxaa uu sheegay in qalabkan ay ugu talageen inuu wax ka bedelo wadciga maxaabiista.

….”””Qalabkan waxaa uu isugu jiraa makiinada alwaaxda,Makiinada Bulkeetiga oo halkii mar dhigaysa shan xabo, iyo labo tobon makiinadaha Harqaanka. Qalabkan waxaa  fududayntiisa iyo ka shaqayntiisa waxaa leh Mu’asasada Al- Minhaaj, waxaana ku deeqday Jamciyada khayriyada ee Shaariiqa ee Dalka imaaraadka carabta” ayuu yiri guddoomiyaha minhaaj

….”“Waxaa laga marmaan ah in xabsiyada lagu soo kordhiyo xirfadaha iyo aqoonta si loo dhaqanceliyo maxaabiista la xukumay ee xabsiga ku jira” ayuu sii raaciyay Guddoomiye k/xigeenka gobolka bari Axmed cabdullaahi Ciro oo ka hadlay ayaa  u mahadceliyay Hay’adda minhaaj, waxaana uu  sheegay in Qalabkan looga faa’iidaysan doono  sidii maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay ku shaqaystaan.

…””Siyaasada dowladda puntland waa in maxaabiista dhaqankooda la bedelo, balse ayan ahayn in la ciqaabo, waa in loo bedelo maskaxiyan ahaan iyo aqoon ahaan”ayuu yiri

Sidoo kale, Duqa degmadda Bosaso Eng Yaasiin mire Maxamuud oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in  dhalinyarada xirfadaha gacanta yaqaana ee reer puntland ay aad u yar yihiin, oo aad loogu baahan yahay in dad yaqaana xirfadaha gacanta.

…””Anigu eng dhismaha ah ayaan ahay, markaan wax dhisi jiray wax ugu badan ee aan u baahnaan jiray waxay ahayd faryaamiiste, faryaamiistuhu waa ninka guriga qurxiya, waa ninka naqshadaha sameeya, markii maxaabiista wax la baro, oo ay xabsiga ka soo baxaan waxay noqon doonaan kuwa dalka wax weyn ku soo kordhiya” ayuu yiri

Gabagabadii, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Bosaso Shire Siciid Maxamed  ayaa guddoomayay Qalabkan, waxaana uu sheegay in Xabsiga Bosaso uu yahay xarun lagu dhaqanceliyo, laguna baro xirfadaha gacanta Maxaabiista lagu soo xiro.

Taliyuhu wuxuu sheegay  intii la bilaabay barashada xirfadaha gacanta ay  xabsiga ka qalanjabiyeen 180 maxbuus oo baratay farsamada gacanta, kuwasoo ka koobnaa saddex dafcadood, waxayna barteen xirfadaha faryaamada, dhismaha iyo Harqaanka.

Xabsiga Dhexe ee Bosaso oo ah midka ugu weyn Puntland waxaa la dhisay Bartamihii Sanadihii sagaashaamadkii, Waxaa ku xiran Boqolaal Maxaabiis ah, Xabsigu wuxuu leeyahay xarumo lagu tababaro maxaabiista ku xiran, Waxaana yaal qalabyo kala duwan oo wax lagu baro.

Ciise siciid Maxamed

IMG_4211 IMG_4210 IMG_4209 IMG_4208 IMG_4205 IMG_4189 IMG_4190 IMG_4191 IMG_4194 IMG_4186 IMG_4184 IMG_4182 IMG_4181 IMG_4175 IMG_4162 IMG_4168 IMG_4169 IMG_4170