Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaaladda garowe Caasimadda Puntland Culimo loodiyaarinayo siday kunoqon lahaayeen Culimada Mustaqbal waxaana culimadaan ay ka koobnaayeen 21 waxayna kakala yimaadeen Gobolada Kala ah
- Bari
- Nugaal
- Mudug
- Sanaag
- Karkaar
Waxaana lays kugu keenay garowe halkaas oo Culimada Gobolka iyo Maamulka sare Ee Alminhaaj Ay kusiiyeen Talooyin iyo Duruus Qiimo badan waxaana kamid ahaa Culimadii Duruusta Siisay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Sidoo Kale Gudoomiyaha Guud Al-Minhaaj Sh,Maxamed Cabdullahi Cabdulle Ayaa Isna Dhankiisa waxaa uu siiyay talooyin qiimo badan isoo kala hadlay in ay yihiin Culimadii Mustaqbalka Dhow Iyo Kan Fogba Umadaan Hogaamin lahayd .
Waxaana Culimada Loosameeyay Martiqaad yo Kaladuwan Taas oo Korloogu Qaadayay Niyadooda Iyadoo Ugu Danbayn Tiina Loogu sameeyay Duleedka Garowe Saagootin Qurux badan.
Waxaana halkaas Lagu siiyay Dardaaran Loogu sheegayo In ay Kudadaalaan Barasha Cilmiga Sharcigaa Maadaama Waxa lasoo baryo ay tahay Shareecada Diinteena Islaamka,
Ugu Danbayntii waxaa iyana dhan kooda Mahadcelin Soo jeedshay Culimadii Lasoo Gootiayay Iyagoo Allah Uga baryay Dhamaan In tii Howshaan Nooqabatay In Allah Ajarkooda Ku weyneeyo waxayna malan qaadeen in ay Cilmiga ay U xirxirteen Ay kasoo Jibakeeni Doonaan Hadii Allah Qadaro.
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Alminhaaj Puntland