+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Alminhaaj Xafiiskeeda Gobolka  Nugaal Oo bilihii lasoo dhaafay waday wacyi galin weyn oo dhanka  fidinta diinta islaamka iyo dhamaan wixii kale ee bulshada horumar u leh.

Waxayna maantay wafti balaaran oo  kakooban mu’asasada labadeeda gole  ay safar dacwadeed ku tageen Tuulooyin  dhowr ah .

Safarkaan oo dulucdiisu ahayd tuuladda Xasabahale  oo Mu,asasadu kasoo furtay Xafiis u matala iyo SIdookale xaflad weyn oo loo qabtay Machad islaami ah oo hoosyimaada Machadka Khadiija Bintu khuweylid  Waxaana xafladaan kahadlay mas uuliyiin badan  waxaana kamid ahaa gudoomiyaha golaha fulinta Mu,asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Farax waxaana uu qiray in aytahay fursadaan ay heleen reer Xasbahale  Mid muhiim u ah bulshadeeda waxaana lagarabaa in ay ka faa iidays taan islamarkaana ay Eebe Weyne Uga mahadceliyaan Nimcadaan Oo ah mid aysan haysan umad badan.

20140829_16364720140829_173841

waxaa kaloo iyana dhan kooda soo dhweeyay Furitaanka Xafiiska Minhaaj Iyo Machadka khadiijo  dhamaan waxgaradka Tuuladda Xasbahalle Ee Gobolka Nugaal waxaana halkaas  sitoos ah uga bilowday casharada machadka waxaana bixinaya  Macalimiin Aqoon Dheer U leh Madooyinka Loo diyaariyay .

Nuur  Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe

[email protected]

20140829_154326 20140829_154921 20140829_162011  20140829_163651 20140829_163721 20140829_163736 20140829_163802 20140829_163827 20140829_164542 20140829_165459 20140829_170251 20140829_171013 20140829_172005 20140829_173826  20140830_080255