Mu,asasada Al-Minhaaj Xafiis keeda Galdogob oo Tababar u qabtay ardayda wax kabarata iskuulada kaladuwan Ee Degmadda Galdogob. by admin | Dec 30, 2014 | News, Waxqabad | Maalinimadii Isniinta ee 29/12/2014 waxaa lasoo gabgabeeyey siminaar soconayey 3 bari oo Mu’assasada Al minhaaj Galdogob u qabatay ardayda iskuulada , ardaydaasoo laga soo xulay dugsiyada sare iyo fasalada 8aad ee dugsiga dhexe, ee iskuulada Galdogob, Caynushamsi, Imaamu shaafici iyo Al-nuur ayaa si xamaasadi ku jirto uga qaybqaatay siminaarka. Ardayda oo ku jirtay xiligii fasaxa teeramka dhexe ayaa lagu barayey casharo isugu jira xirfadaha ay ku horumarin karaan waxbarashadooda iyo wacyigalin diini ah, wuxuuna u qabsoomay sidii loogu talogalay, halka ardaydu uga qayb qaateen nashaadaad ay ku muujinayeen xirfadahooda, ayagoo soo jeediyeen nashaadaad wax ku ool ahaa. Siminaarka oo uu furay maamulka degmadu ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay furitaankiisii waxgarad isugu jiray culumo, caaqilo, ganacsato, qurbajoog dhamaantoodna waxay soo dhaweeyeen dadaalada Alminhaaj ay ka wado degmada galdogob, waxay kaloo ardayda ku dhiirigaliyeen inay siminaarka ka faaiidaystaan. Mu,asasada Alminhaaj Galdogob