+252 90 7798232 [email protected]

 

Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay safar ku marayay dhulka baadiyaha ah Gudomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Iyo Wafti Uu hogaminayo  Waftigaan O u kuurgalayay xaaldaha ay kusugan yihiin dadka reer guraaga ah  waxayna in tabadan waftigu  isha ku hayeen  Dhinaca Baahidda dacwada ee deegaanadii ay marayeen .

 

Waxaana kamid ahaa baahiyadii ay arkeen  waftigaani  barasho la’aanta guud ahaan diinta islaamka gaar ahaan Qur’aanka kariimkaa waxaana Mu,asasadu Kudhiiri Galisay Dadka Dagan Deegaanka ( KUDAADSHEEN  ) Oo 10KM ujira tuuladda Uus Gure In laga furo  madaraso qur’aan  waxaana laysla qaatay in halkaas oo laga furo  madaraso lagu barto Qur’aanka iyo Wixii la xiriira barashadda Diintena Suuban .

 

Halkaas ayaana geed ku yaal dooxada weyn ee  ku daadsheen  laga hirgaliyay madaraso Qur’aan   waxaana islamrkiiba iska soo buuxshay dadbadan oo reer badiye  deganaa dooxada  kuwaas oo iskugujira rag iyo dammar

 

Isku soo wada duuboo furitaanka madarasadaan iyo dhamaan dacwada ay kawadao Mu’asasadu Tuulooyinka Iyo Meelaha Baadiyahaa Ayaa Imaanaysa waqti dadweynuhu baahi weyn u qabaan barashada kitaab ka ALLAH IYO ZUNADA NABI MUXAMED SALLAHU CALEEHI WASALAM .

 

Nuur Jaamac Aadan Xafiiska WarbaahinTa  Mu’asasada Al-Minhaaj

20141101_194540 20141101_194620 20141101_195033 20141101_195044 20141101_195252 20141101_201929 20141101_202104