+252 90 7798232 [email protected]

Taba-barkaan ayaa wuxuu ku suntanaa tababarka taba barayaasha , wuxuuna ka dhacay magaalada Bosaso Hoolka   Amal plaza , wuxuuna socday tababarkaani mudadii udhaxaysay16-22 October 2015 waxaana Bixinayay  taba-barkaan taba-barayaal ku xeel dheer taba-barka (TOT) oo Xaruma taba-bar ku leh magaalada muqdisho oo haysta shahaadooyin caalami ah waxayna kala ahaayeen Dr Shaafici Dhafe &  Ustaad   Cabdi Weli Xasan.

Ujeedooyinka tababarkan laga lahaa waxaa ka mid ah :

  • In lahelo taba barayaal karti iyo kifaa’o leh Taba-barka .
  • In lataba baro taba barayaal awood u leh inay bulshada u gudbiyaan aqoonta ay xanbaarsanyihiin .
  • In lasoo saaro taba barayaal xirfad tababar leh.

Waxaa tababarkaan ka faa’idaystay rag xul ah oo iskugu jiray godoomiyayaasha Mu’asasada ee gobolada / degmooyinka iyo  Waliba mas’uuliyiinta mu’asasaadka tacliinta qaybo kamid ah.

Waxaana laga soo xulay gobolada ay kamid yihiiin : Mudug , Nugaal ,Bari , Sanaag, Sool iyo Caabudwaaq.

Taba-barkaan  ayaa waxaa lagu qaadanayey shahaadooyin caalami ah oo ay kala bixinayaan:Canadian Training Center, Son’a  Al-karar  for  human development iyo mu’asasada alminhaaj.

 

Taba barkaan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo lagu qabto deegaanada puntland ayaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan ayadoo la gaaray nuxur kii laga lahaa

Nuur Jaamac Aadan

Xaiiska Warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj

[email protected]

IMG_1864 IMG_1865 IMG_1877 IMG_1878 IMG_1884 IMG_1891 IMG_2085 IMG_2194 IMG_2312 IMG_2467 IMG_2496 IMG_2618 IMG_2685 IMG_2688 IMG_2693 IMG_2694 IMG_2696 IMG_2698 IMG_2699 IMG_2700